MW Faransiiska oo ku dhaqaaqay tillaabo aanu jeclayn kaddib rabshadaha dalkiisa ruxaya

0

(Paris) 01 Luulyo 2023 – Madaxwaynaha Faransiiska ee Emmanuel Macron ayaa dib u dhigay booqashadiisii dalka Jarmanka, iyadoo dalkaasi uu la tacaalayo dibadbaxyo rabshado wata oo ka dhacay waddooyinka dalkaas, kaddib dil ay boolisku u gaysteen wiil 17 jir ah oo lagu magacaabo Nahel M kaasoo lagu diley Nanterre oo ku taalla bannaanka Paris Talaadadii.

Booliiska ayaa xirey 1,311 qof habeenimadii Jimcihii ilaa Sabtigan, waana tiradii ugu badnayd tan iyo markii ay bilowdeen mudaaharaadyadan rabshadaha wata.

Dukaamada ayaa la dhacay, waxaana la weeraray xarumaha Dowladda Hoose ee dalka oo dhan, inkastoo Wasaaradda Arrimaha Gudaha laga diray 45,000 oo ka tirsan ciidamada booliiska iyo sidoo kale gaadiidka gaashaaman si ay wax uga qabtaan rabshadaha.

Wiilka ay mudaaharaadyadu ka dhasheen ee da’yarka ah ee Nahel M., ayaa asal ahaan kasoo jeeda Aljeeriya, wana arrin mar kale daaha ka qaadday xiisadda sinjiyadeed ee ba’an ee ka jirta Faransiiska iyo isha oo lagu hayo booliiska oo muddo dheer lagu eedeeynayey inay beegsadaan dadka laga tirada badan yahay.

Qalalaasahani waa tadawur si wayn uu u dhibsanayo MW Macron, kaas oo sugayey inuu sii wato muddo-xileedkiisa labaad kaddib markii uu arkay mudaaharaadyo rabshado watey oo dhashay bishii Janaayo kaddib markii la kordhiyey da’da dadka howlgabka ah.

Anti-discrimination campaigners say Nahel's race was a factor in his death.

Hadalsame Media