Booliiska Beledwayne oo si dadban u mamnuucay in halkaa lagu qabto shirar lagu diiddan yahay Hirshabeelle (Daawo)

0

(Beledwayne) 02 Luulyo 2023 – Ciidamada Booliiska maxalliga ah ee magaalada Beledwayne ayaa si dadban u sheegay inay halkaa ka mamnuuceen in la qabto kulamo ka dhan ah Maamul-goboleedka Hirshabeelle.

Waxay si gaar ah amar u siiyeen hoteellada magaalada ku yaalla oo ay sheegeen inay ka mamnuuceen inay qabtaan ama martigeliyaan shirarka aan lagu wargelin maamulka.

”Ciddii meel ama hool idinka kiraysata waa inaad usoo sheegtaa booliiska.” ayay yiraahdeen booliisku iyagoo sheegay in xitaa lasoo ogaysiinayo haddii aroos lagu qabanayo.

Arrintan ayaa loo fahmey mid ku fooggan dhaqdhaqaaqyo magaaladaa ka socdey maalmihii dambe, halkaasoo uu Cali Jayte ka sheegay inuu ka yahay Madaxwaynaha maamul la yiraahdo Hiiraan State.

Sidoo kale, lama oga sida ay arrintani u waafaqsan tahay sharciga dalka ee Federaalka ah oo qaba inay dadku shiri karaan isuna iman karaan xilligii ay doonaan.

Hadalsame Media