10 qaab oo loo maarayn karo cillad CULAYS wayn ku haysa inta badan Soomaalida

0

(Hadalsame) 01 Luulyo 2023 – Xanaaq awgiis afka xumbo ma ka keentaa markii jidka qof gaari kugu hor gooyo? Cadaadiska dhiiggaagu cirka ma isku shareeraa marka ilmahaagu afka kugu taago? Caradu waa wax iska caadi ah, xitaa waa dareen caafimaad ah. Laakiin waa muhiim inaad ula tacaasho hab togan. Xanaaqa aan la xakmayn waa mid halis ku ah caafimaadkaaga iyo xiriiradaada ba.

Diyaar ma u tahay inaad xakamayso caradaada? Tobankaan hab ee maaraynta carada ah ku xisaabtan.

1. Inta aadan hadlin feker

Aminta aad aad u xanaaqdo waa wax sahlan inaad dhahdo wax aad marka dambe ka shalayso. Isdeji oo u uruuri fikradaha kugu soo dhacaya inta aadan waxba oran. Sidoo kale u ogolow kuwa kale arrinka ku lug leh inay sidaas oo kale yeelaan.

2. Marka aad degtid, ka hadal tabashooyinkaaga

Marka ugu horraysa ee ay suurowdo in aad si furan u fekerto, qeex xanaaqaaga hab deggan laakiin ah si handadaad ka maran. U sheeg tabashooyinkaaga iyo waxa aad rabto si cad oo aan gabbasho lahayn, adiga oo aan dhaawacin dadka kale ama aan isku deyin inaad xakamayso iyana.

3. Jimicsi yar samee

Shaqada gacanta laga qabto ayaa caawisa inay yarayso werwerka kaas oo sababi kara inaad xanaaqdo. Haddii aad dareento inaad caro awgeed furka tuuri rabto, lugee ama orod. Ama wakhti ku qaado inaad samayso shaqo gacanta laga qabanayo oo aad ku raaxaysato.

4. Bannanka u bax si aad wakhti ugu soo qaadato

In guriga laga baxo oo bannaanka wakhti lagu soo qaato maaha mid carruurta kaliya loogu talo galay. Naftaada sii nus-saacooyin yaryar maalinta inta lagu jiro kuwaas oo ah xilliyada aad werwersan tahay. Dhowr xilli oo amin degnaansho ah inaad dareenta wanaag aadna noqoto mid u diyaarsan howlaha horyaal isaga oo aan xanaaqin.

5. Garowso xalalka suurtogalka ah

Halka aad diirada saari lahayd waxa kaa xanaajiyey, ka shaqee inaad xalliso arrinka aad gacanta ku hayso. Cunuggaaga qolkiisa isku yaacsan miyaa kaa caraysiiyey? Albaabka xir. Lamaanahaaga miyaa cashada ka soo daaha habeen kasta? Jadwalka cuntada gadaal ugu dhig fiidkii. Ama isku waafaqa in qof ba markiisa casheeyo dhowr jeer oo asbuuca ka mid ah. Sidoo kale fahan in ay jiraan waxyaabo aan gacanta kuugu jirin oo awoodaada ka baxsan. Isku day inaad waaqici noqoto adiga oo eegaya waxa aad awooddo iyo waxa aadan awoodin in aad beddesho. Xasuusi naftaada inaysan caradu waxba hagaajineyn ee ay uga sii darayso.

6. Waxaad ku dhegtaa kalmado naftaada ka hadlaaya kana bilaabanaya “aniga”

Inaad cid kale eeda dusha ka saarto arrinka uun bay uga sii dartaa, adeegso kalmado naftaada ka hadlaya si aad u qeexdo mushkiladda. Noqo qof ixtiraam leh oo gaar ah. Tusaale, waxaad dhahdaa “Waan ka xumaaday inaad miiskii lagu cunteeyey iskaga tagtay adiga oo aan iga caawin hagaajinta weelkii lagu cunteeyey” halka aad ka oran lahayd “waligaa shaqada guriga wax kama qabatid”.

7. Uur-gumaad ha noqon

Cafisku waa agab awood leh.Haddii aad u ogolaato xanaaqa iyo dareemada kale ee taban in ay ka bataan kuwaaga togan, waxaad is arkaysaa adiga oo ay ku laqeen xanaaqaaga iyo dareenkaaga ah in lagu dulmiyey. Inaad iska cafiso qof kaa xanaajiyey waxay kaa caawinaysaa inaad arrinka wax ka barato iyo sidoo kale inaad hagaajiso xiriirka aad qofka la leedahay.

8. Adeegso qosolka si aad u sii dayso ciriiriga laabtaada

Dhoollacadaynta ayaa kaa caawin karta inaad yarayso caradaada .Adeegso qosolka si uu kaaga caawiyo inaad wajahdo waxa kaa caraysiinaya iyo suurtogalnimada inaad wajahdo adigoo filaanyey waxyaabo aan waaqici ahayn oo aad rabtay inay dhacaan. Ka fogow jeesjeeska, waayo-waxuu dhaawici karaa dareemada, arrinkana wuu ugu sii dari karaa.

9. Samee xirfadaha istareexidda

Marka caradaadu siyaado, adeegso xirfadaha istareexidda. Samee layliga neefqaadshada qotoda dheer, ama qiyaas adiga oo jooga meel aad ku istareexayso, ama ku celceli erayo ku dejinaaya, sida “arrinku wuu fududaan doonaa.” Waxaad sida oo kale dhegaysan kartaa muusig, qor fikradaha kugu soo dhacaaya ama yoga samee- Waxaad samaysaa wax kasta oo kugu dhiirrigelinaya inaad istareexdo.

10. Ogow marka ay tahay inaad caawinaad dalbato

Barashada inaad caradaada xakamayo waa arrin adag mararka qaar. Raadi caawimaad arrinka kaa caraysiin haddii caradaadu u muuqato mid faraha ka baxday, ayna sababto inaad samayso waxyaabo aad ka shalayso ama dhaawaca dadka dadka kuugu xiga.

Akhriso: 7 Arrimood Oo Ay Tahay In Aanad Samayn Marka Aad Cadhaysan Tahay & Sababta

W/Q: Mayo Clinic

W/T: Madasha Hoobaan

Hadalsame Media