Dalkii 3-aad oo Muslim ah oo iibsadey gaariga casriga ah ee Turkigu sameeyey ee Togg + Sawirro

0

(Hadalsame) 01 Luulyo 2023 – Dalka Turkmenistan ayaa noqday waddankii ugu dambeeyey ee iibsada baabuurkii ugu horreeyey ee koronto ku shaqeeya ee lagu sameeyo Turkiga ee Togg, kaddib markii ay hore u iibsadeen Azerbaijan iyo Kazakhstan.

Dalalkan ayaa ka siman inay wada yihiin dalal Muslimiin u badan iyo inay yihiin dadka ku bartirsada Qoowmiyadda Atraagta ee uu Turkigu ka midka yahay.

Intii lagu guda jirey xafladaha furitaanka ee Arkadağ Smart City, Wasiirka Wershadaha iyo Teknolojiyadda ee Turkiga, Mehmet Fatih Kacır, ayaa ku wareejiyey laba gaari oo Togg cad cad ah Madaxwaynaha Turkmenistan, Serdar Berdimuhammedov, iyadoo uu goobjoog ka ahaa guddoonka Midowga Rugta Ganacsiga iyo Badeecadaha Türkiye (TOBB) Rifat Hisarcıklıoğlu.

Turkmenistan ayaa waxaa ay noqonaysaa dalkii ugu dambeeyey ee uu soo jiito gaariga Togg oo leh muuqaallo badan oo casri ah, islamarkaana helaya dalabyo ka badan kuwii la filayey, iyadoo si wayn looga iibsado gudaha Turkiga.

Türkiye, ilaa 306 oo ah nooca Togg T10X ayaa la bixiyey bishii Maajo oo qura, in kasta oo shirkadda baabuurkan sameeysa ay sheegtay inay 20,000 oo gaari sanadkan iibinayso.

Turkey's Togg T10X Electric SUV Starts At Over $50,000 | Carscoops

Here's what I think of the TOGG: Turkey's first electric car - YouTube

President Erdoğan officially becomes 1st owner of Türkiye's Togg car | Daily Sabah

Hadalsame Media