Kooxda Shabaab oo la sheegay inay burburiyeen masjidkii qura ee ku yaalley degaanka Daarul-nicma + Sawirro

0

(Hadalsame) 01 Luulyo 2023 – Kooxda Shabaabka ayaa la sheegayaa inay qaraxyo ku weerartay masjidka degaanka Daaru-nicma ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo ahaa halka masjid ee ay dadka degaanka oo dhami ku cibaadaysan jireen, sida ay sheegtay warbaahinta DF Somalia.

”Tani waa tusaalaha muuqda ee cadeeynaya in arxan laawayaashu duullaan ku yihiin Diinteena Suuban ee Islaamka.” ayaa laga baahiyey idaacadda Raadiyo Muqdisho.

Ma aha markii ugu horreeysey ee ay arrintani dhacdo. Al-shabaab ayaa weerarro qarxayo ah waxay sidoo kale ku qaadeen Masjid ku yaalley degmada Buula-burte ee Gobalka Hiiraan iyo sidoo kale masjidka Qaayib oo ay isku dayeen in ay weeraraan balse ay ka hortageen Ciidamada Xoogga Dalku, ayay warbixintu raacinaysaa.

Waxaa sidoo kale laga difaacay Masaajidka Baxdo ee gobolka Galgaduud, halka kuwa kale oo ku yaalla degaannada ay joogaana ay xireen si aysan cilmi uga qaadan ama ugu cibaadaysan dadku.

Waxaa dheer, in magaalooyin kale oo ay Muqdisho ku jirto ay masaajidda ka dhigteen meelo ay ku gaadaan dadka iyagoo horay u diley dad masaajid u yimid inay ku cibaadeystaan, kuwaasoo lagu diley gudaha iyo dibedda masaajiddii ay salaadda u yimaadeen.

Si kastaba, dad badan ayaa is waydiinaya sababta ay Shabaabku weerarka muuqda ugu qaadayaan shacaa’irta diinta Islaamka, maadaama ay sheeganayaan inay doonayaan inay Shareecada Islaamka wax ku xukumaan.

Hadalsame Media