“Waa middi dhabarka nalooga dhuftay & Khiyaano qaran” – Putin oo furka ku xooray ciidanka kacdoonka sameeyey (Cidda soo “dirtay” oo uu sheegay)

0

(Hadalsame) 24 Juun 2023 – Isku dayga kacdoonka uu sameeyey madaxa shirkadda gaarka loo leeyahay ee Wagner, Evgeny Prigozhin, ayaa ka dhigan khiyaamo lagu sameeyey Ruushka iyo dadkeeda, ayuu yiri Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin khudbad uu qarankiisa u jeediyey subaxnimadii Sabtigan. Halkan ka DAAWO….

Waxa uu sidoo kale wacad ku maray in hay’adaha sharci oogista dalku ay qaadi doonaan tillaabooyin adag oo lagu soo celinayo kala dambaynta.

Khudbad laga sii daayey telefishinka, Putin wuxuu ka codsaday xubnaha ciidamada Ruushka iyo wax uu ku sheegay “kuwa lagu jiidey khamaarka dembiilaha khiyaano ama hanjabaad tii ay tahayba,” isaga oo aan magacaabin Prigozhin gaar ahaan.

Waxa uu xusay in Moscow ay ku howlan tahay halgan taariikhi ah si ay u ilaaliso mustaqbalkeeda iyada oo “iska celinaysa gardarrada kaga imanaysa wax uu ku magacaabay Naasiyadda cusub iyo madaxdooda” Galbeedka.

“Waxaan u dagaallamaynaa nolosha iyo badbaadada dadkeenna, madaxbannaanida iyo xaqa sii ahaanshaha Ruushka,” ayuu yiri Madaxwaynuhu, isagoo ku boorriyey muwaadiniinta kale inay ku biiraan ciidamada oo ay meel iska dhigaan dhammaan kala qaybsanaanta ay ka faa’iideysan karaan cadawga shisheeye; sida uu yiri.

“Taasi waa ficillo wiiqaya midnimadeenna, waana middi dhabarka nalookaga dhuftay marka la eego xilligan uu socdo howlgalka Ukraine.” Ayuu raaciyey.

Hadalsame Media