20-ka luuqadood ee rasmiyan loogu tebin doono khudbadda Maalinta Carrafo (af Soomaaliga oo…)

0

(Riyaad) 24 Juun 2023 – Waxaa soo dhow maalinta qaaliga ku ah Shin-tiriska Islaamka ee Carrafaat taasoo ku beegan 9-ka Dul Xijah ama 28-ka bishan Juun.

Waxaa lasoo bandhigay ilaa 20 luuqadood oo lagu baahin doono tarjumaadda khudbada la jeedin doono Maalinta Carrafah.

Waxaa yaab leh in lagusoo daray af Swedish oo ay gebigiisaba ku hadlaan dad aan dhamayn 10m oo ay Muslimka ku hadlaa 1.1% yihiin iyadoo aan lagusoo darin af Soomaaliga oo ay ku hadlaan dad ka badan 25m oo Muslimiin ah.

DF Somalia ayaa la fahamsan yahay in aanay arrintan wax dadaal ah ku bixin, haba yaraatee.

1. English
2. French
3. Malay
4. Urdu
5. Persian/ Farsi
6. Chinese
7. Turkish
8. Russian
9. Hausa
10. Bengali
11. Swedish
12. Spanish
13. Swahili
14. Amharic
15. Italian
16. Portuguese
17. Bosnian
18. Malayalam
19. Filipino
20. German

 

Hadalsame Media