Sharraxaad cilmi ah oo laga bixiyey sidii xanuunka badnayd ee ay u dhinteen dadkii ku jirey gujiskii Titan 5 (Daawo)

0

(Hadalsame) 24 Juun 2023 – Tusaale cajiib ah oo lagu bixiyey daasad Coca-Cola ah ayaa muujinaya sida cadaadiska ba’an ee biyaha gunta hoose ee baddu ay u iskugu buuseen gujiskii Titan oo ay ku dhinteen 5 qof oo saarnaa.

Gujiska oo u ban-baxay cadaadis aad u daran oo qabsaday gujiskii OceanGate ee Titan 5 oo uudhererkiisu dhamaa 22 cagood ayaa la sheegay inuu isaga oo dhami isku dhex dhacay, sida ay Khamiistii caddeeyeen howlwadeenkii samatabixintu.

Waxaa isku diisanka keena marka ay wax iska bedelaan cadaadiska dibedda iyo guddaha gujiska yar oo la sheegay inay ku xirnaayeen gidaarro ka samaysnaa miiqyo kaarboon ah oo aan loogu tala gelin inuu u gigsado cadaadis heerkaa gaaraya iyadoo la sheegay in ilbiriqsi kun meelood wax loo qaybiyey ay isku dhex shiidmeen gujiskii iyo dadkii saarnaa iyadoo firirkeeda uun laga helay gunta hoose. Waxay haysteen ogsijiin ku filnaa 96-saacadood.

Muuqaal uu soo dhigay James Hambley, oo ah nin YouTuber ah oo hilnkiiisa la yiraahdo Bearded Science Guy, ayaa muujinaya sida uu cadaadisku u dhaliyo isku buusanka.

“Marka daasadda laga buuxiyo uumi kaddibna kaddibna iyadoo kulul la dhexgeliyo biyo qabow waxay sababtaa inay dib u xareedoobaan biyihii markii hore la kululeeyey ee gaaska noqday, taasoo dhalinaysa inaysan daasaddu lahayn saxarro gaas ama hawo ah ama gas particles kala celiya gidaaradda si ay iskaga difaacaan cadaadiska dibedda, waana tan keenaysa inay isku diisanto.” ayuu yiri Hambley.

Hadalsame Media