”Cudurro halis ah ayaa laga qaadaa in Xajka macaash laga raadiyo” – Arrin ay ku lug yeelan karaan ganacsato Soomaali ah

0

(Hadalsame) 24 Juun 2023 – 46 sano noloshayda ayaan Makkah Al Mukarramaha ku sugnaa. Waxaan si kalsooni leh idiinku sheegi karaa, cid kasta oo is tiraahda ka macaash martida Ilaahay ee xajka iyo cimrada Makkah u yimaada, in ciribtoodu meel xun ku dambayso, cudurro xun sida dhiig kar, sonkor, iyo kansar.

Ma jiro dalka sucuudiga ogaantayda hal qof oo maal qabeen la sheego oo xujey lacag ka sameeyey.

Xaaji neefkii iyo dalaggii yaraa afrika iyo aasiya gurteeda soo gaday si uu xajka u guto, lacagtiisu wexey u goyseyna adeeg aan la siin, ee la is yiraahdo ka macaash, lacagtiisu waa sun.

Qaylo ayaa ka yeereysa xujeyda soomaalida ee Makkah iyo Madiina gaarey. Ma joogo anigu mana xaqiijin karo, laakiin waa in baaritaan lagu sameeyo ka madax bannaan, wasaaradda iyo shirkadaha adeegga.

Lacagta xaajiga laga qaado waa la yaqaan wexey goyso, iyo meeshey dejin karto.

W; Q: Sh. Maxamed Idriis

Hadalsame Media