”Gacanta ayaan ku haynnaa” – Hoggaamiyaha kooxda Wagner oo hadlay & Ciidamo kusii siqaya dhinaca Moscow + Muuqaall & Sawirro

0

(Moscow) 24 Juun 2023 – Moscow ayaa ku jirta xaalad cakiran iyadoo ay sii kordhayso cabsida laga qabo afgembi millateri kaddib markii ay Yvegney Prigozhin iyo 25,000 oo maleeshiyaad ah oo ka tirsan calooshood u shaqaystayaasha Wagner ay la wareegeen magaalada Rostov-on-Don ee koonfurta Ruushka, iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin inay dhintaan iyagoo wacad ku maray inay u aargudi doonaan weerar millateri oo ay qaadeen ciidamada Ruushka oo uu hoggaamiyaha calooshood u shaqaystayaashu sheegay inay ku dileen qaar ka mid ah raggiisa.

Dhammaan xafladaha dadwaynaha ayaa la baajiyey caasimadda Ruushka iyadoo Vladimir Putin uu TV-ga kala hadlay dadwaynaha isagoo tillaabada ku sheegay mid ”khiyaano qaran ah”.

“Waxaan u dagaallamaynaa nolosha iyo badbaadada dadkeenna, madaxbannaanida iyo xaqa sii ahaanshaha Ruushka,” ayuu yiri Madaxwaynuhu, isagoo ku boorriyey muwaadiniinta kale inay ku biiraan ciidamada oo ay meel iska dhigaan dhammaan kala qaybsanaanta ay ka faa’iideysan karaan cadawga shisheeye; sida uu yiri Putin.

Prigozhin ayaa soo saaray farriin cusub abaarrihii 7:30 subaxnimo xiliga Moscow isagoo sheegay in raggiisu ay gudaha u galeen Taliska Difaaca Koonfurta Ruushka ee Rostov-on-Don iyo in garoonka diyaaradaha ee magaalada uu isagu maamulo.

Prigozhin, oo mar ay isku kalsoonaayeen Vladimir Putin kahor inta uusan ku dhawaaqin dagaalka ka dhanka ah hoggaanka millateriga Moscow, ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay in sarkaalkii ugu darajada sarreeyey ee taliska uu baxsaday islamarkii uu ogaadey in ciidamada Wagner ay ku soo wajahan yihiin.

“Waxaan xakamaynay xaaladda si aysan noo duqayn diyaaradaha Ruushku, kuwa Ukraine maahane. Xarunta ugu wayn oo si caadi ah hadda u shaqayneysa. Wax dhib ah ma jiraan. Markaa hadday kuu sheegaan in Wagner PMC ay wax soo faragalisey, waxna ka khaldameen xagga hore [taasi waa khalad]. “ayuu yiri Prigozhin oo mar lagu naanaysi jirey kariyaha Putin.

Kolonyo Ciidamada Wagner ah ayaa usii siqaya dhinaca Moscow oo 1,000 mayl u jirta magaalada ay qabsadeen ee Rostov.

Hadda duqa magaalada Moscow, Sergey Sobyanin, ayaa lagu soo warramayaa inuu sheegay in dhammaan dhacdooyinka dadwaynaha ee maanta la qaban lahaa la joojiyey, iyadoo ciidamo la dhigay koontoroollo badan oo magaalada ku yaalla.

A group of Wagner fighters pictured on Rostov-on-Don street on Saturday morningPrigozhin c laimed to have also shot down a Russian military helicopter in the city - home to the Kremlin's headquarters for the war in UkraineArmored cars blockade a street in the city of Rostov as the sun began to rise on Saturday

Hadalsame Media