Ciidamo halis ah oo gadood ka bilaabay gudaha Ruushka & Diyaarad ay soo rideen

0

(Moscow) 24 Juun 2023 – Ciidammada Gaarka u tababaran ee Wagner Group ee uu hoggaamiyo Yevgeny Prigoshin ayaa xalay saqsii dhexe qabsaday magaalada Rostov ee dalka Ruushka.

Ciidankan oo uu la socdo hoggaamiyahoodu ayaa joojiyey dhammaan isu socdka magaaalada.

Wararka qaar wax ay sheegayaan in ay saaka dhulka soo dhigeen diyaarida Helicopter ah, nooca Mi-8 oo ciidanka xoogga dalku leeyahay.

Wagner Group waxa ay dalbanayaan, in la la hadlo oo wasaaradda difaaca Ruushku heshiis la gasho ay ku sii wadaan la shaqaynta wasaaradaha difaaca iyo guud ahaan ba ciidanka xoogga dalka.

Is fahanwaa ayaa muddooyinkii dambe ka dhaxeeyey hoggaamiyaha Wagner Group iyo Madaxda wasaaradda arrimaha difaaca gaar ahaan wasiirka difaaca Sergey Shoigu iyo Taliyaha ciidanka qalabka sida Waleri Gerassimov.

Madaxweyne Putin oo hadda saaxafadda la hadlay ayaa ku baaqay in xaaladda lagu soo celiyo sidiidii hore isaga oo wacdna ku maray in uu difaaci doono amniga Ruushka.

Dalalka reer Galbeedka ayaa sheegaya in ay tani tahay dhammaadkiii Ruushka iyaga oo waxa socda ki sifeeyey inqilaab qorshaysan oo la soo abaabuley.

W; D: Khaalid Foodhaadhi

Hadalsame Media