”EPL waa inay cunaqabatayn deg deg ah saaraan Sucuudiga” – Saxaafadda Ingiriiska oo is celin waydey

0

(Muqdisho) 23 Juun 2023 – Hoteelka Hyatt Regency ee ku yaalla fagaaraha Portman ee magaalada London ayaa maalmihii u danbeeyey ahaa mid aad looga dareemayey dhaqdhaqaaqa ay wadaan howlwadeennada kooxaha Sucuudiga.

Hoteelkan oo sidoo kale loo yaqaan The Churchill, waa huteel shan xiddigood ah, halkaasoo qolkii habeenkii lagu dego in ka badan £770 oo gini isagoo martigeliyey dad caan ah sida Barack Obama oo kale ah, haatanse madaxda kubbadda cagta Sucuudi Carabiya ayaa boorso lacag ah lasoo fariistay si u xodxotaan ciyaartooyda Premier League.

Wasaaradda Ciyaaraha ee Sucuudi Carabiya ayaa horraantii bishan ku dhawaaqday in Sanduuqa Maalgashiga Dadwaynuhu (PIF) uu la wareegi doono afar kooxood oo ka tirsan Horyaalka Sacuudiga ee Saudi Pro League, kuwaasoo kala ah Al Ahli, Al-Ittihad, Al-Hilal iyo Al-Nassr.

Waxayna durba bilaabeen inay mushahar qaali ah ku duufsadaan laacibiin aab weli laga dhamaysan waxaana aan la biciidsan karin inay sidoo kale qaataan kuwa da’da yar.

Yeelkeede, cid kasta uma sacbinin waxa uu Sucuudigu soo wado oo ay saxaafadda Ingiriisku ka qayladhaamisay, maadaama uu Sucuudigu bilaabay arrin u caqliyayn karta Carabta oo ah in halkii ay malaayiin ku khasiri lahaayeen horyaalka EPL ay midkooda maalfashadaan.

Gary Neville ayaa yiri: “Premier League waa inay cunaqabatayn deg deg ah oo dhanka wax kala iibsiga ah saaraan Saudi Arabia, si loo hubiyo inaan la dhaawacmin qiyamka ciyaarta.

“Waa in la fiiriyaa haboonaanta wax kala iibsiga. Waxaan aaminsan ahay in iibinta la joojiyo ilaa laga fiiriho qaab-dhismeedka milkiyadda Chelsea iyo haddii ay jiraan heshiisyo wax kala iibsi oo ay faa’iido ugu jirto balse aan marin dariiq saaxi ah leh.”

Hadalsame Media