Wiil Masri ah oo bahdil wayn u gaystey maqaalka Muqdisho & Ciidan DF ka tirsan oo gacan ku siiyey (Daawo)

0

(Muqdisho) 23 Juun 2023 – Waxaan daawaday muuqaalkan video-ga ah ee Wiilkan Masriga ah ee booqashada ku tegay Soomaaliya uu soo dhigay barihiisa bulshada, kaas oo runtii aad ii danqiyay, aadna uu ugu bahdilay Soomaaliya. Marka koowaad wuxuu leeyahay waxaan soo kireystay ciidan i ilaaliya intaan Muqdisho joogana maalinkii waxaa igu baxda $600 oo dollar.

intuu magaallada dhex socdo meeshuu istaagaba rag ciidan ah ayaa daba socda kuwaas oo Muqdisho u ekeysiinaya meel uusan qofku socon Karin illaa uu ciidan wato mooyee.

Raggii ciidanka ahaa ayuu sawirro la gelayaa isagoo dhexda ka taagan oo muujinaya sida inay Muqdisho tahay meel halis ah oo qofkii yimaadaba lagu dhex dilayo.

Shirkadda dalxiiska ee ninkaa keentay waxay garan weysay inay wax uun karaamadooda ah la haraan oo aysan wiilkaa Masriga ah gaarsiin maqaam uusan uu qalmin, sida inuu wiil reer boqor ah yahay oo kale Soomaaliduna tahay dad shilimaan yar lagu iibsan karo.

Haddii wiilkan Masriga ah uu magaalladiisa iska dhex mari lahaa intuu bajaaj qaato waxaan hubaa inaysan cidna wax ku fashion, sababtoo ah Muqdisho way joogaan dad isagoo kale ah oo Carab ah oo Afka Carabigana ku hadla, kuwaas oo deegaan ahaan deggan Muqdisho ganacsina ku dhex leh.

Yemeniyiinta, Suuriyaanka, Masaarida, Pakistaanta iyo qaar kale ee ka shaqeysta, ganacsiyadana ku leh Xamar ma waxay bixiyaan $600 dollar maalinkii si ay Muqdisho ugu noolaadaan?

Waxaa igu soo dhacday xilligii dagaalladii sokeeye ee la daba carari jiray qof weriye ama dalxiise ah haddii uu Muqdisho yimaado, Tikniko fara badanna lagu waardiyeyn jiray?, laakiin maanta iyadoo la marayo 2023 in wiil yar oo Masri ah oo fuul iyo dhaxniya dalkiisa ku cuna uu waddan dhan sharaftooda ku baashaalo waa nasiib darro aad u weyn.

Qasaman billaahi Masar waxaa ku nool dad saboolnimo meelay ka gaareen Hilib Xoolo ee ay cunaan ay ugu dambeysay 5 sanadood ka hor, laakiin dalkooda ma bahdilaan, qof socoto ah intuu dhex tagana wuxuu doono kama sameysan karo.

War waddanka ha loo turo oo cirdigiisa iyo sharafkiisa ha la ilaaliyo oo canuggaan Masriga ah reer Xamar Weyne kama caddaan badnee gacan bir ah ha la isaga qabto.

W; Q: Yaxye Yuusuf

Hadalsame Media