”Tan ha igu sawirin” – Haaland oo la arkay isaga oo gacantiisa ku qarinaya astaanta kooxda Man United (Daawo)

0

(Oslo) 23 Juun 2023 – Qannaaska Erling Haaland qof kasta waa ogyahay kooxda uu daacadda u yahay, balse dad badan ayaa la yaabay inuu gaari karo here uu gacanta ku daboolo calaamadda Manchester United mar uu sawir la gelayey taageere da’yar.

Weeraryahankna seddaxleeyda kula guulaystey Man City ayaa laga duubay muuqaal isagoo ku sugan dalkiisa Norway usbuucan halkaasoo ay kusoo xoomeen koox dhallinyaro ah oo taageereyaal ah.

Muuqaalka gaaban ee lasoo dhigay Twitter-ka TV2 Sport ee laga leeyahay dalka Norway, yar da’yar misna taageere United ah ayaa Haaland ka dalbaday sawir taasoo ka yaabisay 22-jirka reer Norway ee xoogga wayn.

Kaddib markii uu sawirkii koowaad isu taagey, Haaland ayaa wuxuu waydiistay sawir qaadaha inuu sugo kahor inta uusan qarinin calaamada United si uu gebi ahaanba uga daboolo aragtida kaamirada, isagoo deeto codsaday in sawirka lasii wado.

Kahor inta aan la daboolin calaamadda, Haaland waa la maqlay isagoo leh: ‘Sug, sawirka hadda qaad. Sawir kale ka qaad.

Hadalsame Media