Wax badan ka ogow halka ay iskala qaadeen Mark Zuckerberg & Elon Musk oo FEER isku ballansaday

0

(Hadalsame) 23 Juun 2023 – Labada maalqabeen ee iska leh baraha bulshada ee ugu saameynta weyn dunida, Mark Zuckerberg iyo Elon Musk ayaa isku balansaday inay feertamaan. Labada nin ee ugu taajirsan tiknoolijiyadda dunida ayaa ku balamay goob qafilan oo ciyaarta feerka iyo legdanku ka dhaco.

Musk ayaa fariin uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in uu “diyaar u yahay dagaal kadhaco goobta qafilan” isaga iyo Mr Zuckerberg.

Zuckerberg, oo ah madaxa shirkadda leh Facebook iyo Instagram ee Meta, ayaa dabadeed soo dhigay sawir uu Mr Musk soo dhigay bartiisa twitter-ka wuxuuna ku soo dul qoray “isoodir goobta aad joogto”.

Musk 52 sano jir noqonaya dhammaadka bishan ayaa markaas ugu jawaabay qoraalka Mr Zuckerberg in uu joogo “Vegas Octagon.” Waxa uu goor dambe faafiyay muuqaal loo fahmay in uu ku muujinayo in farrintiisu kaftan tahay.

“Weligey ma sameeyn jimicsi aan ahayn in aan carruurteyda kor u qaadqaado oo aan kor u tuurtuuro,” ayuu yiri. Laakiin Zuckerberg oo 39 sano jir ah waxa uu muddo dheer baranayay feerka iyo laadka, isaga oo dhawaan ku guuleystay tartan sare.

Sida uu ku bilowday Loolanka labada maalqabeen

Getty Images

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Loolanka iyo isbalansiga feer ee labada nin u dhexeeya ayaa bilowday kadib markii Facebook shaacisay inay hirgelinayeen adeeg baraha bulshada ee cusub oo la tartami doonta Twitter oo uu leeyahay Musk, ninka ugu taajirsan dunida. Boggan cusub ayaa waxa uu ku xirmayaa Instagram oo uu sidoo kale leeyahay Zuckerberg, iyo bogga kale ee la yiraa Mastodon oo loo sameeyay in lagu la tartamo isla Twitter.

Nolosha labada nin

Getty Images

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Elon Musk oo ah ninka dunida ugu taajirsan oo ku dhashay Koonfur Afrika ayaa heysta hanti lagu qiyaaso 236 bilyan oo doolar. Waxa uu ka dhashay qoys ka mid ah cadaankii Koonfur Afrika degenaa. Waa hantiila iska leh shirkadda gawaarida korontada ku shaqeeya soo saarta ee Tesla iyo shirkadda SpaceX oo farsameysa dayax gacmeedyada.

Waxa uu sidoo kale sanadkii hore iibsaday shirkada Twitter oo ugu kacday afartan iyo afar bilyan oo doolar. Hantiilahan oo dhaqaalaha ugu badan sameeyay hal sano gudahiis xilligaas oo ah intii lagu jirya fayraska Karoonaha ayaa horey u sheegay in uusan qanci doonin ilaa iyo inta uu dadka ka hayaaminayo dhulka oo uu ka dejinaya meeraha dayaxa ee hawada sare.

Mark Zuckerberg

Getty Images

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Zuckerberg oo ka mid ah dadka dunida ugu taajirsan waa aas-aasaha Facebook oo ka soo bilowday qol yar oo uu ka degenaa jaaamacadda Harveryd oo uu arday ka ahaa sagaal iyo toban sano. Sidoo kale waa milkiilaha shirkada Meta oo ka kooban Facebook, Instagram iyo Whatsapp, waxaana hantidiisa lagu qiyaasaa sagaashan iyo sagaal bilyan oo doolar.

Lacag ka badan 14 milyan oo doolar ayaa ku baxa ammaankiisa xilli shirkadiisu ay dhimeyso shaqaalaheeda. Waxay taasi ka dhigan tahay in dhaqaalaha ku baxa ilaaladiisa oo horey u ahaan jirtay 4 milyan oo doolar la kordhiyay boqolkiiba afartan. Sidaas oo ay tahay Elon Musk waxa uu malaha ku jiraa khatar maadaama uu dagaal ugu baaqay nin tababar, oo ah dagaalyahan ku dheereeya feerka. Laakiin waa nin uu ka hanti badan yahay. Labada hantiile ba waxaa niman madaaleyaal ah oo uu mid walba shan shirkad si gaar ah u maamulo.

BBC

Hadalsame Media