Taariikhda Boqortooyadii Cismaaniyiinta Turkiga min Qarniyadii ilaa 13-20aad (Qaybtii 1-aad)

0

(Hadalsame) 19 Juun 2023 – TAARIIKHDA B. CISMAANIYIINTA – Boqortooyadii Cismaaniyiintu waxay ku abtirsatay qabaa’il Turki ah oo degi jiray gobolka Khawaarizm (Khorezm) ee bartamaha qaaradda Aasiya.

Qarnigii 13aad dunida Islaamku waxa ay la kulantay weerar bahalnimo ah oo dhanka Bariga kaga yimid, kaasoo ay kusoo qaadday boqortooyadii Mangool (Mongols) ee xilligaasi dunida sida daadka oo kale u qaadday. Weerarkaasi waxa uu keenay inay khilaafadii Cabbaasiyiintu burburtay.

Qabaa’ilkii Turkida ahaa, markaas, waxay u hayaameen dhulka Anatolia (dhulka iminka Turkiga la yiraahdo) iyaga oo ka baxsanayay gulufkii ciidankii Mangoolka ee uu hoggaaminayey Genghis Khan.

Hoggaamiyihii qabiilka Qaayi (Kayi Tribe) ee Turkiga Ertugrul ibnu Suleyman Shah ayaa fursad u helay in uu heshiis uu ku hoos tegayo la galo Suldaan Calaa’addiin (Ala ad-Din) suldaankii dowladdii Salaajiqada (Seljuks) ee ka talin jirtay dhulka Anatooliya.

Ertugrul waxa uu Suldaan Calaa’addiin garab ku siiyay jebintii ciidamadii Mangoolka. Sidaas darteed buu suldaanku Ertugrul iyo qabiilkiisii abaal-gud u siiyay dhul ay degaan.

Sanaddii (1288), keddib markii uu Ertugrul dhintay, waxa dhaxlay wiilkiisii Cismaan (Osman, 1300-1326), oo isagu madax bannaani ka qaatay Salaajiqadii, dhul aad u ballaaran oo kamid ah dhulkii Salaajiqadana imaaraddiisa ku darsaday. Sidaas bayna dowladdii Cismaaniyiintu ku aas’aasantay sanaddii (1300).

Imaaradda Cismaan waxay ahayd degaan ahaan imaaradihii yaryaraa ee muslimiinta tan ugu dhow boqortooyadii Biisandha (Byzantine Empire) oo sidoo kale loo yaqiin Boqortootadii Roomanka Bari (Eastern Roman Empire). Cismaan waxa uu billaabay in uu imaaraddiisa ballaariyo, qaadayna duullaanno uu dhulal badan Biisandha uga qabsaday, waxana arrinta u fududeeyay Biisandha oo xilligaasi tabar darnayd, burbursanaydna.

Wiilkiisii Oorkhaan (Orchan, 1326-1359) baa isaguna duullaannadii halkiisii kasii waday ilaa uu Anatooliya (Turkiga) oo dhan qabsaday. Sidoo kale waxa uu gudbay Wabiga Dardaneel (The Dardanelles) ilaa uu Maqdooniya (Macedonia) gaaray, hase yeeshee Yurub gudaha uma aanu sii gelin.

Oorkhaan waxa uu samaystay ciidan qaab dowladeed u dhisan oo awood badan, loona baxshay magaca Inkishaariya (Janissary), ciidankaas oo xul ahaa, lagana soo ururiyay dhammaan gobolladii imaaraddu ay ka koobnayd.

Muraadkii 1aad (1359-1389) oo uu dhalay Oorkhaan waxa uu weerar culus ku qaaday Yurub, waxana uu qabsaday magaalada Adrianople oo ku dhow xuduudaha Giriigga iyo Bulgaariya, waxana uu u bixiyay Edirne. Edirne waxay noqotay caasimadda cusub ee dowladda Cismaaniyiinta. Waxa kale oo ay noqotay saldhigga ciidan ee ugu weyn ee uu kaga duulo qaaradda Yurub.

Muraadkii 1aad waxa u suurto gashay in uu qabsado Serbiya (Serbia) iyo Bulgaariya (Bulgaria), waxana uu boqorkii Biizandha ku khasbay inuu jizyo (canshuur) bixiyo. Muraadkii 1aad waxa uu dhintay ciidankiisa oo dul fadhiya, se aan weli qabsan, caasimadda Bulgaariya, Soofiya.

Baa-Yaziid-kii 1aad (Bayezid I, 1389-1402) oo loo yaqaannay (Gugac = Thunderbolt), oo xukunka kaga dambeeyay aabbihiis Muraadkii 1aad, waxa uu qabsaday Greece iyo Hungary, dowladdii Biizandhana waxa uu ka fara maroojoyay dhamnaan dhulalkii ay ka talinaysay, marka laga reebo caasimadda Qustantiiniya (Istanbuul).

Guulihii is daba-joogga ahaa ee Cismaaniyiintu waxay sababeen inay Yurub is bahaysato, oo sanaddii 1396kii samaysato ciidan aad u ballaaran oo uu hoggaaminayey boqorkii Hungary, Sigismund. Hase yeeshee Baa-Yaziid baa ku jebiyay dagaalkii ka dhacay Nicopolis oo ahayd magaalo waqooyiga Bulgaariya ku taal.

Xaalka oo sidaas ah, Baa-Yaziid waxa uu hakiyay duullaankii uu Yurub ku ahaa, maxaa yeelay waxa soo food daartay khatar kale oo hor leh. Taymuur Lank (Tamerlane) baa dhanka bariga weerar culus kasoo qaaday, soo gaarayna xuduudihii dowladdaCismaaniyiinta.

La soco qayb kale…..

W; D: Muuse Sabriye

Hadalsame Media