Dadka koonfurta oo Muuse Biixi waydiinaya 4 su’aalood oo ku aaddan hadalkiisii ”koonfurtu degi mayso”

0

(Hargaysa) 19 Juun 2023 – Madaxwaynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlayey munaasabad qalin-jebin ah oo ciidamo tababar carbis ah dhamaystay ayaa maanta micneeyey sababta ay ”koonfurtu u degi la’dahay”, sida uu yiri.

Madaxwaynaha Somaliland ayaa daganaansho la’aanta xagga amniga ah ee ka jirta koonfurta Soomaaliya, oo ay gaysanayaan dhinacyo ay ku jiraan kooxo agagixiso ah, la xariiriyey qadiyadda ku saabsan Somaliland in la aqoonsado, wuxuuna sheegay in nabaddu imaanayso iyadoo la aqbalo qaddiyaddiisa.

“Soomaaliya saldhiga mayso, ilaa Somaliland ay kala baxaan, Xamar saldhigi mayso, Kismaayo saldhigi mayso, waayo waa geedi gurac loo raray, ilaa la kala baxo, taasna qolada Koonfurtu waa ka war-wareegayaan” Madaxweynaha Somaliland ayaa sidaas sheegay maanta.

SU’AALAHA WAAQICIGA AH EE AY DADKA KOONFURTU WARKIISA KA KEENEEN?

1 – Waxay waydiinayaan, qaab noocee ah ayay Somaliland uga shaqaysaa inaysan koonfurtu degin maxayse arrintaa ku suurtagelisaa? Waa haddii ay howshu tahay mid awalba sii socotey.

2 – Haddii aysan sii socon oo ay tahay istaraatijiyad cusub su’aashu waxay la mid tahay isla tan hore oo waxay weli ku saabsan tahay sida ay ku suurtageleyso iyo waxa loo adeegsanayo?

3 – Anshax siyaasadeed ahaan sax ma tahay in Muuse Biixi uu bannaanka lasoo istaago ”inaysan koonfurtu degeynin”, isagoo nabad ku caana maalayey muddo 32 sanadood ah, welibana og inaysan koonfuri aqoonsi u diiddanayn, maadaama Dowladdii ugu horreeysey ee si uun loo aqoonsan yahay ay koonfurta ka dhalatay tiiyoo ay Somaliland qaangaar 15 jir ah ahayd sanadkii 2000. Yaa ku dhegganaa 15-kaa sano ee aysan koonfurta dowladiba ka jirin?

Inta badan waxaan aragnaa siyaasiyiin reer Somaliland oo koonfurta oo ay toodu haysato iska maaga balse su’aashan malaha isma waydiiyaan, waloow ay xitaa la diidayo ama la aqbalayo go’itaanka Somaliland aysanba ahayn wax ku xiran shacab koonfureed walaa woqooyi e ay tahay wax ay go’aankeeda leedahat DF Somalia oo aan koonfur oo qura mas’uul ka ahayn.

 4 – Sidoo kale miyuusan Muuse ka fikirin inaan kelmaddaasi habboonayn gaar ahaan xilli ay koonfurta ka jiraan kooxo argagixiso ah oo shacabka qaraxyo ku laaya, balse ay sidoo kale jiraan tuhunno iyo shakiyo badan oo ku aaddan inay sidoo kale jiraan dad aan xitaa iyaga ahayn oo koonfurta wax ka sameeya?

Waa su’aalo Muuse uga baahan jawaabo deg deg ah oo gar qaadasho ah.

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media