Dal wayn oo reer Yurub ah oo tillaabo ka qaadaya dadka caanka ah ee been abuurka ku faafiya Baraha Bulshada

0

(Hadalsame) 19 Juun 2023 – Dowladda Faransiiska ayaa qaadeysa tillaabooyin ay wax kaga qabaneyso waxyaabaha been abuurka ah ee lagu soo bandhigo baraha Online-ka.

Dadka caanka ah ee isticmaala baraha bulshada ayaa dadka qaab xayaysiin ahaan ah ula wadaago alaabo been abuur ah sida dawooyinka Kansarka iyo waxyaabo kale iyagoo dadka ka dhaadhiciya in waxyaabahaasi ay yihiin kuwo dhab ah.

Sharciga cusub ee dowladda Faransiiska ku beegsanayo dadka samaeynta ku leh baraha bulshada ayaa dhigaya ganaax lacageed oo aad u badan iyo xariga laba sano ah, oo looga golleeyahay in loogo hortago baahinta alaabaha la buunbuuniyo ee lagu soo bandhigo baraha bulshada.

Audrey, oo ah hooyo haysata laba carruur ah, ayaa sheegtay in ay aad uga naxday awoodda dadka saamaynta ku leh baraha bulshada, kuwaas oo qaarkood magacyadooda ku soo bandhigay alaabaha ay xayaysiinayaan.

Waxay sheegtay markii ay aragatay xidig hore oo TV ku soo bandhigtay kaniini lagu sheegayo inuu daaweeyo cudurka Kansarka, taasi oo aan wax ka jirin.

Arrintaan waxaa walaac ka muujiyay dad badan oo qaarkood laga yaabo iney rumeystaan alaabaha been abuurka ah baraha Internedka lagu soo bandhigo.

Dalkeenna Somalia ayaa ka mid ah meelaha ay ku badan yihiin dad caan ku noqday isku dirka, kala dirka, xumaan faafinta, kicinta dadwaynaha iyo in lacag lagu raadiyo qaabab been abuur ah.

Hadalsame Media