Sida aad iskaga ilaalin karto cuntooyinka dilaya KELYAHAAGA & Una daa’iman karto kuwa u roon (Qaybta 2-aad)

0

(Hadalsame) 13 Juun 2023Waxa muhiim ah in la yareeyo qaadashada cunnooyinka ay ka buuxdo macdanta potassium. Sidoo kale waxa muhiim ah in la kantaroolo xaddiga laga qaadanayo cuntooyinka ay potassium ku yar tahay, maxaa yeelay waxa la doonayaa in wadarta qaadashada potassium ay hoos timaado xadka ay u dejiyeen dhaqaatiirta daryeelka caafimaadku, taas oo caadi ahaan ah 2,000 mg oo potassium ah maalintii ama ka yar. Aqri qaybtii 1-aad….

Iyada oo ku xiran shaqada kelyahaaga, waxaad awood u yeelan kartaa inaad raashinka ku dartid qaddar yar oo ah cuntooyinka patassium ku badan tahay. La tasho dhaqtarkaaga haddii aad wax su’aalo ah ka qabtid xaddiga potassium ee jirkaagu qaadan karo.

IMISA POTASSIUM AYAA LA OGGOL YAHAY?

Ragga iyo dumarka caafimaadka qaba ee ka weyn da’da 19 waxa lagula taliyaa inay qaataan ugu yaraan 3,400 mg iyo 2,600 mg oo ah potassium maalin kasta, siday u kala horreeyaan.

Si kastaba ha noqotee, dadka qaba cudurka kelyaha ee kantaroolaya xaddiga potassium ee ku jira cuntooyinka ay qaadanayaan, badanaa waxay u baahan yihiin inay qaataan xaddi potassium ka hooseysa 2,000 mg maalintii.

Haddii aad qabtid cudurka kelyaha, waa in dhaqtarkaagu baaraa xaddiga potassium ee dhiiggaaga. Waxa uu kaa qaadayaa dhiig. Natiijada baaritaanka dhiigga ayaana go’aamin doonta heerka billaha ah ee potassium millimoles halkii litir oo dhiig ah (mmol / L).

Saddexdan heer baana la xaddidi doonaa:

Heer nabad ah: 3.5 – 5.0 mmol / L

Heer digniin ah: 5.1 – 6.0 mmol / L

Heer halis ah: 6.0 mmol / L ama ka sarreeya.

Dhakhtarkaagu waxa uu kaala shaqeyn karaa si loo go’aamiyo inta potassium ee ay tahay inaad maalin kasta qaadatid, iyadoo sidoo kale la ilaalinayo heerka ugu sarreeya ee nafaqada ee suurtogalka ah. Waxa sidoo kale uu ka warqabi doonaa heerarka potassium taada, si loo hubiyo inaad ku sugan tahay heerkii nabadda ahaa.

Dadka potassium ay jirkooda ku badan tahay oo ku jira heerarka halista ahi khasab ma aha inay mar walba lahaadaan calaamado lagu garan karo. Sidaas darteed in mar walba lala socdaa waa muhiim. Haddii aad isku aragtid astaamo, waxaa ka mid noqon kara:

– daal

– daciifnimo

– kabuubyo ama xoqid

– lallabbo

– matagid

– xabad xanuun

– garaaca wadnaha oo aan joogto ahayn

– garaaca wadnaha oo hooseeya.

QAABKA POTASSIUM LOOGA MIIRO FURUTADA IYO KHUDAARTA

Haddii aad awooddid, ku beddel furutada iyo khudradda qasacadaysan dhiggeeda darayga ah ama la barafeeyay. Potassium-ta ku jirta cunnooyinka qasacadaysan ayaa ku miirmaysa biyaha ama casiirka ku jira qasacadda. Haddii aad casiirkaas ama biyahaas ku darsatid cuntadaada ama aad cabtid, waxay keeni kartaa koror xoog leh oo ku yimaada heerka potassium ee jirkaaga.

Casiirku badanaa wuxuu leeyahay milix badan, taas oo sababi doonta in biyihii ay jirka ku haraan. Tani waxay horseedi kartaa dhibaatooyin xagga kelyahaaga ah. Waxa taas la mid ah marka laga hadlayo casiirka hilibka lagu gasacadeeyo, markaas hubi inaad sidoo kale iska ilaalisid.

Haddii aad haysatid cunno qasacadaysan oo keli ah, hubi inaad miirtid dheecaanka oo iska saartid. Sidoo kale waa inaad ku mayrtaa cuntada qasacadaysan biyo. Tani waxay yareyn kartaa xaddiga potassium ee jirkaaga gelaya.

Haddii aad karineysid khudrad potassium ku badan tahay oo aanad rabin in inaad beddeshid, waxaad dhab ahaan ka bixin kartaa xoogaa ka mid ah macdanta potassium.

Hay’adda ‘Kidney Foundation’ waxay kugula talineysaa habka soo socda in aad khudradda u miirtid; baradhada, bataati macaanka, karootada, beets, bocor jiilaalka, iyo rutabagas:

– Fiiq khudradda oo ku rid biyo qabow si aanay u madoobaan.

– U jarjar khudradda gaballo leh dhumuc 1/8 inch ah.

– Ku biyo raaci biyo diiran xoogaa ilbiriqsiyo ah.

– Gaballada ku qas ugu yaraan laba saacadood biyo diirran. U isticmaal biyo 10 jeer u dhigma xaddiga khudradda. Haddii aad qaseysid khudradda muddo dheer, hubi inaad beddeshid biyaha afartii saacadoodba mar.

– Khudaarta mar kale biyo diiran raacsii dhowr ilbiriqsi.

– Ku kari khudradda xaddi biyo ah oo u dhigma shan jeer xaddiga khudradda.

La soco qayb kale….

W; D: Sabriye Muuse

Hadalsame Media