“Si aad jidka u dhistaan lacag na siiya!” – Dhaqan yaab leh oo ay Muqdisho ka wadaan ciidan gobolka hoos taga (Farriin ku socota Guddoonka)

0

(Muqdisho) 13 Juun 2023 – FARRIIN KU SOCOTA DUQA MUQDISHO – GOBOLKA BANAADIR WUXUU U BAAHAN YAHAY XAFIISKA GARMAQALKA DADWEYNAHA

Gudoomoye Saakey waxaa soo marey meel buuq ka taagan yahay markaan ku leexdey waxaa arkey Ciidamo diidan la dhiso wado yar oo xaafad ku taal oo laba qoys oo degeneyd wadadaas damcay in ay hortooda inter lock saartaan

Shaqaalihii dhisi lahaa ayaa la kala eryey ka dib markii lagu amrey in ay bixiyaan lacag ka badan midii lagu dhisi lahaa waxaa dhacdey in wadadii inter lock la joojiyo

Maalin dhaweyd masuul ka tirsan dowlada ayaa damcay in wado yar oo hor marta gurigiisa uu inter lock saaro ciidan ayaa u yimid oo shaqadii joojiyey ka dib maxaa dhacay isagiina ciidan ayuu keensadey oo xoog ayuu inter lockii ku saartey

Gudoomiye Shacabkaan Magaaladaan degen waa hore ayey quruxsan lahaayeen Magaaladooda balse waxaa u diidan ciidamo ka amar qaata Gudoomiyayaasha Degmooyinka

Maalin dhaweyd waxaa arkey Jaamacad loo diidey in ay iska badelaan Boor hore si u saartaan Boor cusub oo qurxinaya Magaalada

Gudoomiye wax badan waa qabatey balse waxaa kuu soo jeedinayaa in aad furto Xafiis la mid ah Xafiiska Cabashada ee Hayada NISA EE GARMAQALKA DAWEYNAHA si aad u dhageysatid Cabashada Dadweynaha.

W; Q: Amiin Y Khasaaro

Hadalsame Media