Maraykanka oo wada qorshe lagu ballaarinayo Golaha Ammaanka & Tirada lagu darayo (Dal Afrika ah oo….)

0

(New York) 13 Juun 2023Dublamaasiyiinta Washington ayaa soo saaraya hindise ku saabsan “dib u habayn” Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, kaas oo laga yaabo in lagu soo bandhigo kulanka Sebtembar ee Golaha Guud ee QM, sida ay werisey jariidadda Washington Post, iyada oo soo xiganaysa ilo aan la magacaabin.

Ergayga Madaxwayne Joe Biden, Linda Thomas-Greenfield, ayaa hadda la tashanaysa wadamada xubnaha ka ah Golaha Ammaanka “si ay u raadiyaan jawaab celin ku saabsan ballaarinta suurtagalka ah” ee golaha, sida lagu qoray Post, iyaga oo intaa ku daray in saraakiisha Maraykanku ay rajaynayaan in tani ay “soo celin doonto kalsoonida hay’adda maamulka ugu sarreeysa adduunka.”

Golaha Ammaanku wuxuu caadiyan ka kooban yahay shan xubnood oo joogto ah – Ruushka, Shiinaha, Faransiiska, UK iyo Maraykanka kuwaasoo leh diidmada qayaxan ee VETO – iyo toban xubnood oo wareeg ah, oo Golaha loosoo doorto muddo laba sano ah.

Sida hadda xaalku yahay, laba ka mid ah kuraastaasi waxaa ku fadhiya Latin America, shan kursina waa isku darka Afrika iyo Aasiya, mid Yurubta Bari ah, iyo laba Galbeedka Yurub ah.

Soo jeedinta Maraykanka ayaa ah mid “is bedeli karta” laakiin waxaa la filayaa ama loo badinayaa in lagu dari doono lix xubnood oo joogto ah oo dheeraad ah, kuwaasoo aan laakiin yeelan doonin awoodda diidmada qayaxan.

Saraakiisha la hadlay wargaysku waxay xuseen Jarmanka, Japan iyo Hindiya inay yihiin musharrixiinta suurtagalka ah, halka Britain iyo Faransiisku ay doonayaan in sidoo kale lagusoo daro dalka Brazil iyo ugu yaraan hal waddan oo Afrikaan ah.

Balaarinta Golaha Ammaanka si uu “u noqdo mid loo wada dhan yahay” islamarkaana la xaddido awoodda diidmada qayaxan oo la adeegsado “xaalado dhif iyo naadir ah oo qura” ayaa lagusoo qaaday khudbaddii uu Golaha Guud ka jeediyey Joe Biden bishii Sebtembar ee la soo dhaafay.

Hadalsame Media