Inta qof ee ku caan baxay inay caqabad soo wajahdey FURSAD u bedeleen

0

(New York) 13 Juun 2023Inta jeer oo dhibaato ama caqabad qof lasoo gudboonaatey ay dheef isu bedeshey.

1. Shiikh Shamsuddiin Al Sarkhasi ayaa la xiray. Waqtigii uu ku jirey xabsiga wuxuu uga faa’iidaystay inuu qoro kitaabka fiqhiga ah Al-Mabsuud ee madhabka Xanafiga kutubta ugu muhiimsan ka mid ah.

2. Aqoonyahan la oran jirey Isaiah Berlin ayaa 1944-kii diyaarad ciidan oo Maraykanka ka soo baxaysey u soo raacay Ingiriiska. Diyaaradda codkeeda wax lagama dhegeysan karin, nalkuna waa densanaa oo wax laguma akhrisan karin, afkana waxaa lagu xirtay oxygen mask oo lama hadli karin. Feker keliya ayaa u furnaa marka wuxuu saacadihii dheeraa ee aamuska ahaa isugu keenay fikradda buuggiisa caanka ah ee Taariikhda Fikradaha (Against the Current: Essays in the History of Ideas).

3. Dr. Mustafa Maxmuud ayaa isagoo arday ah xanuunsaday oo muddo ku jiray cisbitaal. Fursad ayuu u helay akhris uu cilmiga suugaanta iyo falsafadda ku barto. Inkastoo uu dhakhtarnimo bartay, haddana cilmigii uu cisbitaalka ku faa’iiday ayuu noloshiisii oo dhan ku leexiyey oo caan ku noqday.

4. Arday la oran jirey George Dantzig ayaa 1939kii ka soo habsaamay fasalkii. Labo masalo oo xisaab ah oo sabbuuradda ku qoran ayuu u qaatay inay yihiin shaqo guri (homework). Wuu qortay dhawr maalmood ka dibna jawaabtii ayuu u keenay macallinkiisii.

Ardaygu xallinta masalooyinka dhib badan ayuu la maray. Macallinkii wuxuu yiri su’aaluhu maahayn shaqo guri ee waxay ahaayeen tusaalaha su’aalaha culimada xisaabtu xalka u waayeen laakiin adigaa xalkoodii keenay. Labadaas masalo xalkoodii ayaa ardaygii lagu siiyey PhD.

Haddii noloshaada wax ka maqan yihiin, intaad sugaysid wax wanaagsan sii qabo. Subixii meel aad waxtar ka geysato u kallah.

W; D: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media