”Waa ku daayey” – Ukraine oo ku digatey geeridii Silvio Berlusconi ay halka ay iskala qaadeen?

0

(Kyiv) 13 Juun 2023Shabakadda caanka ah ee kaydisa xogta cadawga Dowladda ee Ukraine ayaa ku faraxday geerida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Talyaaniga, Silvio Berlusconi Isniintii, isagoo ku tilmaamay inuu xulafo la yahay “gumaystayaashii Ruushka.”

‘Mirotvorets’ (Nabad-dhaliye) ayaa ku eedeeyey Berlusconi inuu yahay nin “ wax la wadey Ruushka-Fashiistaha iyo argagixisada ah” iyo “dembiyada ka dhanka ah Ukraine ee ay gaysteen,” gaar ahaan kulankii uu Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin kula yeeshay Yalta, Crimea 2015-kii, taasoo ahayd sanad kaddib markii uu gobolkaa xuf-goostay.

Isniintii, kaddib warka dhimashada Berlusconi, degelku wuxuu sawirka Berlusconi dul saaray baannar biliglaynaya marka lasoo galo webka, wuxuuna sawirkiisa ku xardhay xarfo casaan lagu qoray oo sheegaya “waxaa uu dhintay Juun 12, 2023.”

‘Mirotvorets’ ayaa lagu soo waramayaa inuu maskaxdiisa lahaa Anton Gerashchenko, kaas oo hadda La-taliye u ah Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Kiev. Marka ay timaado xarumihiisa, shabakadu waxay ka liis garaysan tahay magaalooyinka Warsaw, Poland iyo Langley, Virginia – oo ay sidoo kale ku taal xarunta dhexe ee CIA.

Hadalsame Media