Sida aad iskaga ilaalin karto cuntooyinka dilaya KELYAHAAGA & Una daa’iman karto kuwa u roon

0

(Hadalsame) 12 Juun 2023CUDURKA KELYAHA IYO POTASSIUM: SIDA LOO HELO CUNNO KELYAHA U FIICAN

Afeef: Waa qormo Dheer, se aad u qiimo badan. Fadlan, ha ka gudbin adiga oon aqrin oon weliba nuxurkeeda ka dhergin.

POTASSIUM IN LAGAA CABBIRAA MAXAY MUHIIM U TAHAY?

Shaqada ugu weyn ee kelyuhu ay qabtaan waa inay dhiigga ka sifeeyaan dheecaannada xad dhaafka ah iyo walxaha wasakhda ah.

Marka ay si caadi ah u shaqeynayaan, kelyuhu waxay sifeyn karaan 114-142 liitar oo dhiig ah maalin kasta, iyagoo soo saaraya 1 ilaa 2 liitar oo kaadi ah. Tani waxay ka caawineysaa ka hortagga qashinka jirka ku soo kordha. Waxa kale oo ay ka caawisaa in elektrolytka (sodium, phosphate iyo calcium) lagu ilaaliyo heerar deggan oo aan dhibaato lahayn.

Dadka qaba cudurka kelyaha waxa yaraata shaqada kelyohooda. Caadi ahaan, dadka caynkaas ahi ma awoodaan inay si hufan u xakameeyaan potassium. Tani waxay sababi kartaa heerarka halista ah ee potassium inay ku sii jirto dhiigga.

Qaar ka mid ah daawooyinka loo isticmaalo cudurka kelyah waxay, iyaga laftoodu, soo saaraan macdanta loo yaqaan ‘potassium’, oo dhibaatada sii kordhin karta.

Heerka potassium ee dhiigga ayaa si tartiib tartiib ah u korodha toddobaadyo ama bilo. Tani waxay kuu horseedi kartaa in aad dareentid daal ama lalabbo.

SIDEED U YARAYN KARTAA XAWLIGA KORORKA POTASSIUM EE DHIIGGAAGA?

Mid ka mid ah hababka ugu wanaagsan ee lagu yareyn karo isku dhiska potassium ayaa ah in isbeddello xagga cuntada ah la sameeyo. Si taas loo sameeyo, waxaad u baahan doontaa inaad baratid cuntooyinka ay ku badan tahay macdanta potassium iyo kuwa ay ku yar tahay. Hubi inaad sameysid baaritaan oo aad aqrisid istiikarka ku dheggan cunto kasta oo ay ku qoran tahay nafaqooyinka cuntadu ka kooban tahay.

Maskaxda ku hay in aanay ahayn oo keliya waxa aad cunaysid in la tiriyo, laakiin sidoo kale inta aad cunto kasta ka cunaysid. Xakameynta qaddarka cunto waxay muhiim u tahay guusha cunno kasta oo kellida u fiican. Xitaa cuntada loo arko inay ku yar tahay macdanta potassium waxay sare u qaadi kartaa heerarkeeda haddii aad wax badan ka cuntid.

CUNNOOYINKA AY TAHAY IN AAD JADWALKAAGA CUNNO KU DARSATID

Cunto waxaa lagu tiriyaa inay ku yar tahay macdanta potassium haddii ay ka kooban tahay 200 milligram (mg) ama ka yar halkii qaadashaba.

Cunnooyinka ay patassium ku yar tahay waxaa ka mid ah:

– berry, sida strawberries
– tufaax
– bambeelmo
– cananaaska
– karamberriga iyo casiirka karamberriga
– cauliflower
– broccoli
– ukunta
– digirta cagaaran
– bariis cad
– baastada cad
– rootiga cad
– caddaanka ukunta
– tuunada qasacadaysan ee biyaha ku jirta.

CUNNOOYINKA AY TAHAY IN AAD YARAYSID AMA KA FOGAATID

Cunnooyinka soo socda waxay ka kooban yihiin wax ka badan 200 mg halkii marba:

– mooska
– avocados
– sabiib
– prunes iyo casiirka prunes
– liinta iyo casiirka liinta
– yaanyada, casiirka yaanyo, iyo maraqa yaanyo
– misir
– isbinaajka
– Brussels
– digir kala jaban
– baradho (caadi ah iyo macaan)
– bocor
– apricots la qalajiyey
– caano
– bran (sida bran flakes)
– cheese sodium ku yar tahay
– lowska
– hilibka lo’da
– digaagga.

La soco qayb kale….

W; D: Sabriye Muuse

Hadalsame Media