War cusub oo kasoo kordhay rag xalay qoys iska hurda kula tacaddiyey magaalada Boosaaso

0

(Boosaaso) 04 Juun 2023 – Ciidanka Booliiska Gobolka Bari ayaa lagu soo warramayaa inay gacanta kusoo dhigeen saddex nin oo ka mid aaa rag ku eedeysan inay xalay tacaddiyo iyo xera taraar u gaysteen qoys magaaladaa ku dhaqan.

Raggan ayaa sida laga arkayo muuqaal ku faafay Baraha Bulshada, waxay u dheceen guriga qoys magaalada deggen islamarkaasna waxay kasoo duubeen muuqaal loogu hanjabayo dil, iyadoo qaarkood madaxa cagta laga saarayo.

Qoyskan oo xilligaa oo habeen ah hurdey ayaa la arkayaa iyagoo ka argagaxsan xaaladda lama filaanka ah ee ay wajahayaan.

Booliiska ayaa saxaafadda maxalliga ah u sheegey inaysan raggu intan oo qura ahayne ay sidoo kale ku raadjoogaan rag kale oo falkan qayb ka ahaa.

Waxan oo dhan ayaa la sheegayaa inay salka ku hayaan gabdho yar yar oo isku maagay aaladda ay Soomaalidu aadka iskugu bahdishey ee Tik Tokley ah taasoo la sheegey inuu salka ku hayo hanjabaadda loo jeedinayo qoyskan lasoo duubay ee lagu tacaddiyey.

Hadalsame Media