Somalia oo hal arrin uga duwanaatey inta badan dalalkii ka qaybgalay caleemo-saarka MW Turkiga (Arag yaabkan)

0

(Ankara) 04 Juun 2023 – Waxaa shalay la qabtay xafladda caleemo-saarka MW Recep Tayyip Erdoğan oo 28-kii bishii Maajo ku guulaystey doorasho isku celis ahayd si uu markale u noqdo MW Turkiye.

Waxaa munaasabadda lagu casuumey madax badan oo caalamka ka kala socotey oo halkaa tagtay waxaana ka mid ahayd Somalia.

Yeelkeede, Somalia way ka yara duwanayd dalalka kale marka la eego heerka wefdiga ay halkaa u dirtay oo uu hoggaaminayey MW Somalia Xasan Sheekh Max’uud.

Sabab? Dalalka kale waxay soo dirsadeen wufuud heer dhexe ama sare ah oo ay Guddoon Baarlamaan iyo wasiirro ugu waawayn yihiin. Weliba marka la eego dalalka Jaamacadda Carbeed waxaa qof mansab Madaxwayne garaaya soo diray 3 dal oo qura; Somalia, Libya & Lubnaan.

Dabcan waa 3 dal oo meelo badan iska shabaha sida dagaallo sokeeye, dhaqaale xumi iyo nidaam si uun u fashilan.

Si kastaba, madaxda Somalia ayaa lagu dhaliilaa inay waqtiga inta badan ku lumiyaan safarro maalaayacni ah oo aysan walba wax badan kasoo xasilin, iyadoo ay naadir tahay inaad aragto Somalia oo heshiis laba geesood ah oo wax ku ool ah dal kale lasoo gashay, balse ay sheekadu kusoo dhamaato ”xiriir taariikhi ah inaan leennahay iyo waa la isku af-gartay.”

Hadalsame Media