ISKA JIR: Ma taqaannaa cuntooyinka marka la isku daro SUNTA noqon kara? Waxaa ku jira qaar aad la iskugu daro

0

(Hadalsame) 04 Juun 2023 – Qof kasta oo bini aadam ah wuxuu haystaa wuxuu Eebbe siiyay. Maalin kasta oo qof go’aansado inuu wax cuno waxaa laga yaabaa inuu sun sumeeyo.

Cuntada uu qofku cunaa waxay la socotaa xaaladda caafimaad. Hal qof ayaa si isku mid ah oo fudud u cuni kara, laakiin waxaa laga yabaa in qof kale ay sun ku noqoto.

Xaaladdan waxaa uga sii dari karta cawaaqibta ka dhalan karta marka aad ku guul darreysato inaad isku dartid isku -dhafka cuntada ee saxda ah iyo kuwa caafimaadka leh.

Nooc kasta oo cunto ah waxay leedahay faa’idooyinkeeda, laakiin marka la isku qaso waxay dhibaato u keeni kartaa qofka.

Xabiiba Haaruna oo ah khabiir ku takhasustay cuntooyinka nafaqada leh oo u dhalatay dalka Nigeria ayaa BBC -da u sheegtay lix nooc oo cunto ah oo qof kasta sumayn kara.

Caano iyo Kalluun

caano

Kalluunka iyo Caanaha waa cuntooyin ay ka buuxaan nafaqooyinka balse waxaa laga yabaa marka la isku daro inaysan awoodin u yeelan inay sameeyaan nafaqooyinka saxda ah, taasina waxay sababi kartaa kartaa dhibaatooyin caafimaad.

Jirka bani’aadamku uma baahna cuntooyin kala duwan oo ay ku jiraan kiimikooyin isku mid ah. Waxay sababi kartaa in jirka uu sumoobo oo matag iyo shuban uu qofka ku dhaco.

Biyaha Liinta iyo Caanaha

Caanaha iyo liinta hal meel ma wada geli karaan, oo haddii la isku qaso iskuma milmaan.

Haddii qofku caanaha ku daro liin dhanaanta wuxuu jirkiisa sameynayn karaa sun, taas oo sidoo kale keeni karta dhibaatooyin dhanka wadnaha ah.

Lawska iyo Saliid Saytuun

loos

Lawska ayaa aad muhiim ugu ah jirka aadanaha waxaana laga isticmaalaa meelo badan.

Lawsku waxa kale oo uu leeyahay borotiinno iyo karbohaydraytyo aad u sarreeya, sidoo kale lawsku waxa uu ka mid yahay nafaqooyinka ugu muhiimsan cuntada, gaar ahaan kuwa doonaya in ay miisaanka iska ridaan.

Saliidda saytuunka ayaa iyaduna aad waxtar u leh gaar ahaan arrimaha daaweynta cudurrada qaarkood, laakiin isku darka saliidaan iyo lowska waxay keeni karaan dhibaatooyin caafimaad waxaana lagu talinayaa in marba mid la isticmaalo oo aan la isku darin.

Daawooyinka iyo liinta

liin

Marka aad daawo qaadaneyso ma wanaagsana inaad ku dhexqasto biyaha liinta sababtoo ah waxaa ka dhalan kara Gaas oo qofka u horseedi karo dhibaato caafimaad oo halis ah. khubaradu waxay sheegeen in qaddii aad daawada ku liqdo cabitaanada aalkolada ku jiraan sida sida fanta ama Coca-Cola ay sababi karto dhimasho sababtuna waxay tahay in gaas badan uu ku jiro cabitaanadaasi.

Waxay intaasi ku dartay in liinta ama cabitaan kasta oo kale oo aalkolo ku jirto aan lagu darin daawo.

Hilib ceeyriin ah iyo ukun

ukun

Isku darka hilibka aan la karin iyo ukunta cayriinka ah waxay dhibaato ku keeni kartaa jirka aadanaha.

Dadka qaar sun ayay ku noqon karta halka qaar kalana ay u horseedi karto matag iyo shuban sababtoo ah waa inaan sidaas loo isticmaalin.

Hilibka ceeyriinka ah wuxuu keeni karaa waxyeellooyin haddii aan la raacin sidii loogu talagalay oo ah in la yareeyo xaddiga nafaqooyinka ku jira.

Khubaradu waxay sheegeen in ukunta cayriinka ah aysan lahayn nafaqooyinka ku jira jirka aadanaha, laakiin waa inaan la cunin ilaa la kariyo ama la shiilo si ay jirka ula fal-galaan.

Khubaradu waxay dadka kula taliyaan inay cunaan waxay og yihiin inay faa’iido u tahay oo aanay wax dhibaato ah u keenayn.

Tijaabinta cunnooyin cusub ayaa laga yaabaa inay faa’iido u tahay dadka balse qaar kale ayaa laga yabaa inay waxyeello u geysato.

Waxaa jira noocyo badan oo cuntooyin ah oo haddii la isku qaso keeni kara waxyeello ba’an.

BBC

Hadalsame Media