Booliiska London oo xabsiga dhigay taageere Man United ah oo ku kacay fal NACASNIMO ah + Sawirro

0

(London) 04 Juun 2023 – Taageere Manchester United ah ayaa la xiray kaddib markii lagu sawiray garoonka Wembley isagoo xiran funaanad uu kula jees jeesayo musiibadii Hillsborough ee qabsatay taageerayaasha kooxda ay Woqooyi Galbeed ku xafiiltamaan ee Reds.

Sawirka taageerahan oo xiran funaanad ay ku qoran tahay ‘97 kuma filna’ ayaa lagu faafiyey Baraha Bulshada intii ay socotey ciyaartii final-ka FA Cup-ka ee Man United iyo Man City.

Musiibada uu ninkani tixraacayo waa shilkii Hillsborough ee sanadkii 1989-kii.

97 qof oo rag, dumar iyo carruurba leh ayaa ku dhintay dhacdadaa naxdinta lahayd ee ka dhacday garoonka Sheffield Wednesday kahor ciyaartii semi-finalka FA Cup ee dhex martay Nottingham Forest iyo Reds.

Booliiska caasimadda London ayaa se haatan xaqiijiyey in taageerahan xabsiga la dhigay.

 

A Man United fan was pictured in a vile shirt referencing the 1989 Hillsborough disaster

Police are pictured with the United supporter outside of Wembley on Saturday afternoon

The Met Police confirmed the fan has been arrested on suspicion of a public order offence

Hadalsame Media