Shaqaalaha Casa Milan oo taageerayaasha kula taliyey inaysan iibsan funaanadaha Theo & Leao ( Sabab?)

0

(Hadalsame) 04 Juun 2023 – Warar la isla dhexmarayo ayaa sheegaya in shaqaalaha Casa Milan oo ah xarunta AC Milan ay taageerayaasha talo siiyeen.

Waxay wararku sheegayaan inay soo jeediyeen inaan la iibsan funaanadaha labada laacib ee asaasiga ah ee Theo Hernandez iyo Rafael Leao.

Sababta waxaa lagu sheegay in labadan laacib ay lambarrada maaliyadaha bedelan doonaan xagaaga soo aaddan. Waxat kala qaataan 19 iyo 17.

Weli lama sheegin lambarku uu Theo qaadan doono, balse waxaa aad u xooggan warar sheegaya in Leao uu qaadan doono lambarka buuxa ee 10-aad xagaaga soo aaddan.

Waxaa lambarkaa bannayn doona Brahim Diaz oo la sheegay inuu dib ugu laabanayo kooxdiisa Real Madrid si uu u buuxiyo booska Ascencio.

Hadalsame Media