“Dagaal uu Maraykanku nala galo waxaa ka dhalan doonta musiibo aan la xamili karin” – Wasiirka Difaaca Shiinaha oo digiin diray

0

(Singapore) 04 Juun 2023 – Iskahorimaad millateri oo u dhexeeya Shiinaha iyo Maraykanku cawaaqib aad u xun ayuu yeelan doonaa kaliyana maahan labada waddan, laakiin adduunka oo dhan, ayuu yiri Wasiirka Difaaca ee Beijing Li Shangfu.

“Shiinaha iyo Maraykanku waxay leeyihiin nidaamyo kala duwan waxayna ku kala duwan yihiin siyaabo kale oo badan.

“Si kastaba ha ahaatee, tani waa in aanay labada dhinac ka hor istaagin inay raadiyaan mowqif midaysan iyo danaha guud si ay u dhaliyaan xiriir laba geesood ah iyo xoojinta iskaashi qotoda dheer, ” ayuu Li kasoo jeediyey khudbadiisii shirkii amniga ee Shangri-La Dialogue ee Singapore Axaddan.

“Waa wax aan la dafiri karin in iskahorimaad ba’an ama dagaal u dhexeeya Shiinaha iyo Maraykanku uu noqon doono musiibo aanu u dulqaadan karin adduunku,” ayuu raaciyey.

Wasiirka Difaaca Shiinaha ayaa sidoo kale ka digey in “caqliyadda dagaalka qabow ay hadda dib u soo laabanayso, taasoo si wayn u kordhinaysa khataraha amniga ee jira.”

Si toos ah uma uusan xusin Washington iyo xulafadeeda, laakiin wuxuu yiri “wadamada qaar” waxay xoojiyeen tartanka hubka oo waxay faragelinayeen arrimaha gudaha ee quruumaha kale.

Hadalsame Media