RASMI: ”Abidkay waxaan ahaan doonaa Milanista” – Ibrahimovic oo ciyaaraha ka fariistay (Daawo)

0

(Milano) 04 Juun 2023 – Zlatan Ibrahimovic ayaa ku dhawaaqay inuu gebi ahaanbaka fariisan doono kubbada cagta: ‘Waan macsalaameeyey kubbada cagta laakiin adinka maya.’

Waxa ay ahayd fiid qiiro leh gegada bSan Siro, halkaas oo AC Milan ay ku dhamaysatay xilli ciyaareedka iyada oo 3-1 kaga badisay Hellas Verona ciyaartii u dambaysay ee xilli ciyaareedka si ay ugu xirto 70 dhibcood fasal-ciyaareed kacaa kuf lahaa.

Ibrahimovic wuu dhaawacnaa, sidaas darteed kama qaybqaadan ciyaarta. Si kastaba ha ahaatee, waxaa la siiyey sagootin geesi oo ay u sameeyeen taageerayaasha San Siro, agaasimayaasha kooxda iyo asxaabtiisa kooxda kaddib markii ay ciyaartu dhamaatay.

41-jirkan ayaa ilmeeyey xitaa kahor ciyaarta, laakiin dareenkiisa ayaa sii kacay ciyaarta kaddib markii Ibra uu abaal-marin guddoonsiiyey Paolo Maldini.

Waxa uu jeediyey khudbad, isagoo la hardamaya ilmada, si la yaab leh marka dabcigiisa la eego, wuxuuna ku dhawaaqay inuu ka fariistay kubadda cagta. Taageerayaal badan oo tarabuunka ku sugnaa iyo qaar ka mid ah asxaabtiisa oo uu ku jiro Sandro Tonali ayaa iyana ilmeeyey.

“Xusuuso iyo shucuur aad u badan ayaa ka dhacday gudaha garoonkan,” ayuu yiri Ibra.

“Markii ugu horreeysay ee aan imid waxaad i siiseen farxad, markii labaad, waxaad i siiseen jacayl. Waxaan rabaa inaan u mahadceliyo qoyskayga iyo inta ii dhow dulqaadkooda. Waxaan rabaa inaan u mahadceliyo qoyskayga labaad. Ciyaartooyda, tababaraha iyo shaqaalihiisa masuuliyadda ay i dhiibeen. Waxaan rabaa inaan uga mahadceliyo agaasimayaasha fursadda ay i siiyeen.” ayuu yiri.

“Ugu dambayn, laakiin ugu yaraan, qalbigayga, waxaan rabaa inaan idiin mahadceliyo, taageerayaashoow. Gacmo furan ayaad igu soo dhawayseen, waxaana noloshayda oo dhan noqon doonaa Milanista. Waa waqtigii aan macsalaamayn lahaa kubbadda cagta, laakiin adinka maaha. Aad bay u adag tahay, waxaa jira shucuur aad u badan. Waan idin arki doonaa haddii aad nasiib leedihiin. Forza Milan iyo nabadgelyo.”

AC Milan ayuu kusoo laabatay mar labaad bishii Janaayo 2020-kii. Guud ahaan, wuxuu u dhaliyey 93 gool 163 kulan oo uu u saftay Rossoneri wuxuu kula guulaystay labo horyaal oo Seri A ah iyo Super Coppa Italianna. Midka kowaad 2010-11 kii labaadna 2021-22.

No description available.

Hadalsame Media