RASMI: Dalkii ugu horreeyey oo si rasmi ah DAL madaxbannaan ugu aqoonsaday Falastiin

0

(Milano) 04 Juun 2023 – Koontada Twitter-ka ee afka Isbaanishka ee Palestine, “Palestine Hoy,” ayaa ku dhawaaqday in Falastiiniyiinta magaalada Mexico hadda ay yeelan doonaan safaarad buuxda, kaddib markii Mexico ay si buuxda u aqoonsatay dalka Falastiin.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay, “Tillaabadan waxaa loo qaaday si niyad sami leh oo ku dhisan iskaashi iyo saaxiibtinimo u dhexeeysa labada dal, taas oo caddaynaysa horumarka joogtada ah ee xiriirka laba geesoodka ah, tan iyo markii la aasaasay 1975-kii.

Dokumentigu wuxuu sii waday, “Wasaaradda Arrimaha Dibedda waxay muujinaysaa sida ay ugu qanacsan tahay in tillaabadani ay si wayn uga qaybqaadan doonto horumarinta joogtada ah iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya Mexico iyo Dowladda Falastiin, taasoo ku salaysan ixtiraamka iyo aqoonsiga labada dhinac. si ay uga faa’iidaystaan labada shacab iyo sidoo kale ka qaybqaadashada amniga iyo horumarka caalamiga ah”.

Senet-ka Mexico ayaa meel mariyey qaraar ay Falastiin ugu aqoonsanayaan dowlad madax-banaan bishii Nofeembar ee lasoo dhaafay, sannad-guuradii madaxbannaanida ay ku dhawaaqeen Falastiiniyiintu Nofeembar 15, 1985-kii.

Waxa ay sheegeen in ay rajaynayaan inay tani ka qaybqaadan doonto in si nabad ah lagu dhameeyo colaadda ka taagan Bariga Dhexe.

Hadalsame Media