Maxaa qabsaday wiil ”Soomaali” ah oo dadka Japanese-ka ah kula kacay arrin dareenkooda damqisay & Dunida oo ka falcelisey (Daawo)

0

(Tokyo) 03 Juun 2023 – Wiil dhallinyaro ah oo Baraha Bulshada ku isticmaala magaca Johnny Somali, ayaa aad looga hadal hayaa Baraha Bulshada  dalka Japan iyo meelo kale oo ay Carabtu ka mid tahay.

Wiilkan ayaa bilowgii la arkayey isagoo saaran tareenka magaalada Tokyo oo dadka Japanese-ka ah ku leh erayo dareenkooda taabanaya sida ”Heroshima & Nagasaki” oo ah labada magaalo ee qura ee abid loo adeegsadey hubka nukliyeerka.

Wuxuu sidoo kale soo hadal qaadayaa Pearl Harbor oo ah saldhig ay leeyihiin Ciidanka Badda Maraykanka kuna taalla gobolka jasiiradda ah ee Hawaii, oo ay Japanese-ku weerareen Diseembar 7, 1941-kii, taasoo ahaydba sababta uu Maraykanku usoo galay Dagaalkii 2-aad ee dunida.

Yarkan ayaa haatan isagoo maraya bartamaha isla dalka Japan waxaa weerar uusan filayn  ku qaaday dadka Japanese ah, iyadoo la maqlayo isagoo ku celcelinaya ”fadlan is deji… Is deji” IWM.

Waxaa sidoo kale Baraha Bulshada ka bilowday falcelin ka timid dadka Japanese-ka ah oo ah dad degannaan iyo asluub lagu yaqaan balse uu kulayka ka keenay dhibka uu ugu gaysanayo jidadkoodii.

Dad badan oo ay Soomaalidu ka mid tahay ayaa sidoo kale aad uga xumaaday hab-dhaqankiisa iyo sida uu u dilayo sumcadda awalba sanadahan yaabanayd ee Soomaalida, maadaama uu wato magac Soomaali ah.

Yeelkeede, dadka qaarkood ayaa xitaa ku tilmaamay inuusan Soomaali ahayn islamarkaana Muslim ahayn, balse uu si kas ah u magac dilayo Soomaalida ee uu yahay Itoobiyaan, balse taas caddayn umay keenin, waxaana aad loogu badiyey inuu Soomaali yahay.

Halkan ka DAAWO WAXA UU SAMEEYEY….

Qaar Carab ah oo arrintan soo qaatay ayaa iyaguna dood ka keenay sababta uu u yahay Maraykan iyo Soomaali, halka ay qaar kale u qorayeen kelmado ay cunsuriyadi ka muuqato sida Zinji IWM.

Hadalsame Media