DAAWO: ”Tillaabo ayaan ka qaadi doonnaa dadka been-abuurka u faafinaya Shabaabka ama ummadda qaybinaya” – RW Xamse

0

(Muqdisho) 03 Juun 2023 – Ra’iisul Wasaare, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in la xakamayn doono “Faafinta wararka been abuurka oo noqon kara hub khatar ah”, sida uu sheegay.

Wuxuu sheegay in marka ay dacaayado faafiyaan kooxaha ay Shabaabku ka mid yihiin islamarkaana ay bulshadu iyadoo aan hubkan sii faafiso ay noqon karaan hub halis ah.

”Waxaan gebigeen noqon karnaa wakiillada rakhiiska ah ee argagixisada,” ayuu yiri RW Xamse oo intaa ku darin in xeerka saxaafaddu uu dhigayo in inta aan la faafin lala xiriiro dhinacyada ay khuseeyso iyo xitaa dhinacyo 3-aad si uu u hubsado.

”Waxaa la yiraahdaa, intii aad noqon lahayd qofka ugu horreeya ee been faafiya noqo qofka ugu dambeeya ee runta sheega,” ayuu soo jeediyey.

Wuxuu intaa raaciyey in loo baahan yahay in dagaalka ay DF ku jirto lagu garab istaago, isagoo soo qaatay tusaalihii Xadiithul Ifki oo ku saabsanayd been-abuurkii laga faafiyey Xaaskii Nabiga NNKH ee Caa’isha RC, isagoo culimada usoo jeediyey inay dadwaynaha ka wacdiyaan been-abuurka.

”Waxaan qaadi doonnaa Talaabooyin looga hortagayo wararka khuseeya Amniga Qaranka.” ayuu ballanqaaday, isagoo sheegay inay arrintaa la kaashan doonaan bulshada iyo shirkadaha.

Hadalsame Media