Mooshin ay gudbiyeen 97 Xildhibaan oo la dusiyey & Waxa ay ku saabsan tahay (Farriin ka cabanaysey dusinta oo lasii dusiyey)

0

(Hadalsame) 02 Juun 2023 – Degel ay ku wada jiraan xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka samaysan WhatsApp ayay doodk ka dhalatay.

Dooddu waxay ku saabsan tahay in Baraha Bulshada loo dusiyey howlihii hoose ee Baarlamanka xitaa kahor intaan la keenin qaacada Aqalka sida mooshinkan.

Mooshinkan ayaa ku saabsan wax ka beddelka ah, muddo-xilleedka Madaxtooyada, Guddoonka Golaha iyo Howlwadeenada Baarlamaanka ayaa waxaa ka qaylisay Xoghaynta Baarlamanka.

“Farriintii aan soo dhigay wax yar kahor waxay wareegaysaa Baraha Bulshada taasna sax maaha.” Ayay tiri Xoghayntu.

Waxaa ka muuqda in 97 Xildhibaan ay mooshinka saxiixeen, balse Xoghayntu ma sheegin ujeedka mooshinka.

Yeelkeede, waxaa la sheegay inay dalbanayaan in mudo xileedka laga dhigo 5 sano, waxayna diyaariyeen kahor intii uusan xirmin Kalfadhigii hore ee Golaha Shacabka, taasoo keentay inaan weli la marin Golaha.

Tan ugu darani waa in xitaa lasii dusiyey farriintii Xoghaynta ee ka ashtakoonaysey in wax la dusiyo, sida qoraalka hoose ku cad.

Hadalsame Media