”Waa wada hadalnay” – Macallinka Barcelona oo shaaciyey waxa uu kala kulmay Messi oo uu doonayo inuu soo celiyo

0

(Barcelona) 02 Juun 2023 – Tababaraha kooxda Barcelona ee Xavi ayaa qirtay inuu wadahadallo kula jiro Lionel Messi kuwaasoo ku saabsan kusoo laabashada ay taageerayaasha kooxdu xiisaynayaan ee xagaagan laga filayo Nou Camp.

Ku guulaystahan Koobka Adduunka ee Argentine ayaa la filayaa inuu ka tago kooxda haysata horyaalka Faransiiska ee  PSG xagaaga marka uu qandaraaskiisu dhaco dhamaadka bishan Juun.

Messi, oo 36 jirsan noqon doona bishan, ayay PSG ka joojisey inuu ciyaaro horaantii bishii Maajo kaddib safar aan la fasaxin oo uu ku tagay Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu safiir sharafeed uga yahay guddiga dalxiiska ee dalkaas.

“Waxaan u sheegay Madaxwaynaha in soo laabashada Messi ay macno samaynayso,” Xavi ayaa sidaa u sheegay wargayska Catalan. “Shaki kuma jiro taas, haba yaraatee, wuu ku fiican yahay nidaamkayaga iyo fikradayada. Waxaan maskaxda ku hayaa qorshaha taatikada Leo.

“Waxay ku xiran tahay Leo. Waxaan u malaynayaa inuu isagu go’aansado, isaga ayay ku xiran tahay… waxaan la hadlay Leo, haa.’ ayuu qiray.

Messi, Inigo Martinez iyo Ilkay Gundogan ayaa ka kooban saddex-laacib oo xurmad leh oo ay qaab bilaash ku doonayso Barcelona si ay isu dhisto xagaagan.

Hadalsame Media