Imisa saacadood ayuu qofku u baahan yahay inuu seexdo 24-kii saac? Dood hor leh oo ka timid aragtidii hore

0

(Hadalsame) 02 Juun 2023Muddo intee la eg ayuu qofku u baahan yahay in uu seexdo hurdo caafimaad leh, 24-kii saac gudahood?

Jawaabta uu su’aashan qof walba si deg deg ah uga bixinayo waa “siddeed saacadood” balse sida lagu sheegay daraasad cusub, arrintaas sax ma aha gebi ahaanba.

Louis Tachek, oo ah barfasoor cilmiga neerfaha ka dhiga Jaamacadda California ee dalka Mareykanka ayaa BBC-da ku yiri: “Waa faham qalad ah oo la qaatay”.

“Waxa ay la mid tahay sidii iyadoo la yiri qof walba waa inuu dhirirkiisu noqdo 1.65 mitir, haddii uu intaas ka gaabtana waxaa jirta dhibaato.

“Dhammaanteen uma wada baahnin inaan seexanno waqti isku mid ah si aan u helno nasiino aan ku shaqayno maalinta xigta, mana aha arrin la xiriirta dabeecad ama wax uu qofku dooranayo, waa arrin la xiriirta hidda sidaha qofka.

“Dadka qaar waxay hiddo dhaxal ah u leeyihiin inay si dabiici ah u seexdaan hurdo waqti yar. Taas micnaheedu waa in xitaa haddii ay seexdaan afar saacadood ilaa lix saacadood ay dadkaas soo kacayaan iyagoo si buuxda u nastay.

“Dadka noocan ah waxaan u garanaynaa ‘dadka ugu sarreeya dhinaca hurdada’ waxayna ila tahay in taas la fahmi karo,” ayuu yiri Dr Tatchek.

Hurdo

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Shaqooyinkooda si fiican ayay u qabtaan iyagoo xitaa ay hurdadoodu yarayd.

Waana run in tani ay tahay faa’iido marka la eego dunida aan ku nool nahay.

25-kii sano ee lasoo dhaafay, Dr. Tatchek iyo kooxdiisa seynisyahannada ah waxa ay u kuurgalayeen astaamaha hurdada ee ilaa 100 qoys iyo waxyaabaha ay isku midka ka yihiin ama ku kala duwan yihiin.

“Markii hore shaqadeennu waxa ay ahayd inaan diiradda saarno waxyaabaha gaarka u ah dadka lagu tilmaamo “kuwa hurdada culus”. Waxaa nasoo jiitay dadka habeenkii waqtiga hore seexda subixiina aroor hore kaca oo lagu magacaabo “kuwa hurdada daacadda u ah”.

Dr. Tatchek waxa uu ogaaday in ay jiraan dad seexda xilli dambe oo habeenkii ah balse soo kaca aroor hore.

Koox ka tirsan waaxda neerfaha ee Jaamacadda California ayaa ogaaday in dadka seexda waqtiga gaaban ay leeyihiin xaalad ka duwan dadka kale.

Hurdo

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Dadkani waxay ‘si dabiici ah u leeyihiin hurdo kooban’ taasoo ka dhigaysa inay waqti hore soo kacaan iyagoo xitaa xilli dambe sariirta aaday.

Ilaa hadda, afar hidda-side ayaa lala xiriiriyay dadka sida dabiiciga ah u hurdo gaaban, balse waxaa laga yaabaa inay jiraan wax intaas ka badan.

Waxaase jirta in hidde-sidayaashaas ay aad dhif u yihiin.

Dr. Tatchek waxa uu qiyaasay in hal qof oo ka mid ah kunkii ruux uu yahay ‘dadka ugu sarreeya dhanka hurdada’ ee sida dabiiciga ah ay ugu filan tahay hurdo gaaban.

Laakiin warka wanaagsan waa in dadkani ay shaaca nooga qaadeen sirta ku saabsan saamaynta hurdada.

Daraasad ay sameeyeen kooxda uu hoggaamiyo Dr. Tatchek ayaa muujisay in dadka noocaas ah ay awood dadka kale ka badan u leeyihiin la qabsiga deegaanka ay ku cusub yihiin.

“Waxaan si xoog leh u aaminsan nahay in dadkan ay ka caafimaad badan yihiin bulshada inteeda badan,” ayuu yiri Dr. Tatchek.

BBC

Hadalsame Media