DAAWO: “MW Xasan Sheekh naftiisa ayaa halis ku gashay mudo kororsi mana yeelayno” – CC Warsame oo furka ku xooray….

0

(Muqdisho) 03 Juun 2023 – Guddooomiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa si wayn ugasoo horjeestey muddo kororsiga Baarlamanka la marsiinayo, waloow ay noqon doonaan wax uu heli doono MW kasta oo ka dambeeya, taasoo xoogaa ka dejisey mucaaradad badan oo ay tillaabadani la kulmi lahayd.

“Madaxweynaha Xafiiska joogo Xasan Sheekh naftiisa ayaa halis ku gashay Mudo kororsi, hadii aan Baarlamaanka la ixtiraamin bannaanka ayaa lagu wada hadlayaa,” ayuu ku qayliyey Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Wuxuu sheegay in isaga laftiisa ay naftiisu halis ku gashay in muddo-xileedka la kororsado. Wuxuu kaloo sheegay in xitaa uu khaldan yahay in hab-raaca mooshinka muddo kordhinta laftiisu uu khaldanaa, isagoo iftiimiyey in la ixtiraamo hab-raacyada degsan.

Wuxuu farta ku fiiqay in iyada oo aan dadka iyo dalka waxba loo qabanin aan lagu mashquulin muddo kororsi uu qof gaar ihi wato, balse taa biddaalkeeda muddo kororsi howshiiba laga bilaabo.

Wuxuu Warsame ku baaqay in shacabka laga xishoodo islamarkaana la ilaaliyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka, lana sii ambaqaado dayn cafinta iyo la dagaallanka Al Shabaab, lana hagaajiyo xiriirka caalamiga ah ee kharriban sida uu sheegay.

Hadalsame Media