DHEGEYSO: Västtrafik oo tigidhada Gaadiidka Dadwaynaha rakhiisinaysa xagaaga & Gobolka oo dhan oo hal qiime lagu tegayo + Goorta

0

(Gothenburg) 03 Juun 2023 – Hay’adda Maamusha Gaadiidka Dadwaynaha ee Gobolka Västra Götaland ee Västtrafik ayaa dhimaysa tigidhada lagu raaco gaadiidkan xilliga xagaaga.

Shirkaddu waxay xitaa soo kordhisey in xitaa xagaagan aad awoodi doonto inaad hal sicir ugu safarto saddex aag – ama tre zoner.

Tusaale, tigidhada halka aag oo ahaa 815 waxaa lagu kordhiyey ilaa 20 karoon, waxaana haatan laga dhigay 835 karoon, balse waxaad haatan ku tegi kartaa dhammaanba 3-da aag ee Gobolka oo idil (A, B iyo C).

Waxaa la bilaabayaa 15-ka bishan Juun, wuxuuna ololahani socon doonaa ilaa 31-ka Luulyo.

Waxay arrintani khuseeysaa dhammaan gobolka Västra Götaland iyo degmada Kungsbacka.

Hadalsame Media