Hub uu Maraykanku siiyey Ukraine oo lagu arkay BURCAD halis ah oo ka howlgasha meel aad uga fog Yurub (Daawo)

0

(Tamaulipas) 01 Juun 2023 – Maleeshiyo xiran astaanta Gulf Cartel ee Mexico (Cartel Del Golfo, CDG) ayaa laga duubay muuqaal isagoo ku sugan gobolka Tamaulipas isagoo sita gantaal ridaha lidka taangiyada ee uu Maraykanku sameeyey.

Milenio TV waxa uu hubku u aqoonsaday inuu yahay Javelin, kaasoo kumanaan ka mid ah ay Pentagon-ka u direen dalka Ukraine, balse horay loo sheegay in lagu iibsado suuqa madow ee Dark Web.

Muuqaal laga duubay Matamoros Isniintii oo lasii daayey fiidnimadii Talaadadii kaasoo uu baahiyey kanaalka wararka ee Milenio TV ayaa muujinaya nin sita balastar CDG ah oo ku hubaysan qori Kalashnikov ah iyo gantaal ridahan oo ay ku sheegeen inuu yahay FGM-148 oo ay Raytheon samaysay.

In ka badan 10,000 oo Javelin ah oo laga soo ururiyey kaydka Pentagon-ka ayaa loo dirayey Ukraine tan iyo bishii Febraayo ee la soo dhaafay, ilaa heer ay millateriga Maraykanku bilaabeen inay sheegaan inuu ka dhammaan rabo kaydkoodii gantaalkan taangi dilaha ah.

Soo-jeediyaha warka Milenio ee Azucena Uresti ayaa Twitter-ka ku xustay in lagu qiyaasay in qorigan Javelin-ku uu suuqa madow ka joogo meel u dhaxaysa $20,000 ilaa $60,000, halka celceliska qiimaha gantaalku uu ahaa ilaa $30,000 oo Doollar.

Weapon US gave Ukraine spotted in cartel hands – Mexican media

Hadalsame Media