Maxaa ka dhacay Gegada Stadio Olimpico markii la dhaliyey goolka Roma + Dad caan ah oo jooga? (Daawo)

0

(Budapest) 31 Maajo 2023 – Kaliya maahayn garoonka Puskas Arena ee Budapest kii farxadda taageerayaasha Roma la qarxay markii Paulo Dybala uu hoggaanka u dhiibay Roma final-ka Europa League ee Sevilla, balse Stadio Olimpico ayaa sidoo kale lasoo buuxiyey.

Laacibka La Joya ayaa kubbad dhex-ka-tuur ah ka helay Gianluca Mancini si uu goolka u daah furo, waxaana u kacay in ka badan 25,000 oo taageereyaasha Giallorossi ee Budapest xaadiray, iyagoo dabaaldegaya.

Ma ahayn se kuwaa kaliya, balse Stadio Olimpico ayaa albaabada u furay in ka badan 50,000 oo taageerayaal ah oo ciyaarta ka daawanayey shaashadaha waawayn ee garoonka la dhigay.

Dadka waqtigan ku raaxaysanaya caasimadda waxa ka mid ahaa fannaanka Maneskin Damiano David, kaas oo timihiisa ku midabeeyay midabada maaliyadda AS Roma.

Hadalsame Media