MW Somalia oo khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa dalka Turkiga (Arrin ay isku raaceen)

0

(Muqdisho) 31 Maajo 2023 – Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan.

Ujeedka ayaa waxaa uu ahaa inuu ugu hambalyeeyo guushii taariikhiga ahayd ee uu ka gaarey doorashadii ka qabsoontay dalka Turkiga, sida lagu faafiyey qoraal kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Somalia.

”Labada Madaxwayne ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii loo sii dardargelin lahaa iskaashiyadii hore uga dhaxeeyay labada dal.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Somalia ayaa ka mid ah dalalka xiriirka la leh dalka Turkiga waloow aan weli sidii ugu fiicnayd aan looga faa’iidaysan hoggaan xumida jirta iyo dalka oo aan lahayn siyaasad fadhida misna isku xiran oo aan jirin dartood.

Hadalsame Media