”Waxaan u baqay naftayda” – Haweeney kufsi ku eedaysay MW Biden oo ay xoghayn u ahayd oo u baxsatay Ruushka

0

(Hadalsame) 01 Juun 2023 – Tara Reade, oo ah kaaliyihii hore ee Kongareeska Mareykanka ee Joe Biden ku eedeysay faraxumayn, ayaa tilmaantay inay doonayso inay dalbato baasaboorka Ruushka.

Gabadhan oo sidoo kale horay u ahaan jirtey suxufiyad ayaa dhowaan u guurtey Ruushka, iyada oo sheegtay in aanay ammaan ku dareemaynin Maraykanka.

Iyadoo Talaadadii ka hadlaysey shir jaraa’id, Reade ayaa sheegtay in kaddib markii si joogto ah loogu dhibay Maraykanka eedeymaha ay jeedisey, ay rajaynayso “inay badbaado ka hesho” Ruushka – oo ah dal aysan waligeed u arkin cadow – iyadoo raacisay “inay u mahadcelinayso saaxiibadeeda Moscow … kuwaas oo gacmaha u furay” si ay u soo dhaweeyaan, sida ay tiri.

“Waxaan doonayaa inaan sameeyo codsi, waana mid wayn. Waxaan jeclaan lahaa inaan jinsiyadda Ruushka ka codsado Madaxwaynaha Federaalka Ruushka ee Vladimir Putin,” ayay tiri Kaaliyihii hore ee MW Maraykanka, iyadoo ballanqaaday inay noqon doonto “muwaaddinad wanaagsan.”

Sannadkii 2020-kii, xilligii ay meesha sare maraysey doorashada madaxtinimada Maraykanka, Reade waxay ku eedaysay Biden, oo markaas ahaa musharraxa dimoqraadiga ah, inuu faraxumeeyey 1993-kii markaasoo ay isaga ugu shaqaynaysay kaaliye ahaa Aqalka Senate-ka. Biden ayaase si aan leex leexad lahayn u diiday eedaynta.

Hadalsame Media