Turkish Airlines oo mar qura 23 boos booddey si ay uga mid noqoto 10-ka diyaaradood ee ugu xooggan dunida

0

(Hadalsame) 30 Maajo 2023 – Diyaaradda Turkish Airlines ee calan-sidaha dalka Turkiga ayaa noqotay shirkadda sideedaad ee ugu awoodda badan caalamka, waxayna heshay 78.1 dhibcood, sida lagu sheegay sahan la sameeyey.

Turkish Airlines ayaa 23 boos ka boodey halkaasoo ay sanad kahor joogtey iyadoo haatan ka mid noqotay 10-ka sare ee caalamka, sida ku cad sahanka Brand Finance, taasoo uu soo dhoweeyey Agaasimaha Guud ee Turkish Airlines, Ahmet Bolat.

Shirkadda diyaaradaha ee Japan All Nippon Airways (ANA) ayaa ahayd diyaaradda ugu xoogganayd sanadkan iyadoo leh 85 dhibcood. Shirkaddu waxay dib u billowday duullimaadyada caalamiga ah 2022-kii kaddib labo sano oo hakad ah sababo la xiriira masiibadii COVID-19.

Waxa ku xiga Korean Air iyo shirkadda diyaaradaha tigidhada rakhiista ah lagu raaco ee Malaysia ee AirAsia, sida sahanku muujiyey.

Diyaaradda Turkish Airlines oo la aasaasay sannadkii 1933-kii, iyadoo xilligaa lahayd 5 diyaaradood oo qura, waxay se hadda leedahay 416 diyaaradood (rakaab iyo xamuul) oo u kala duula 344 goobood oo adduunka ah, kuwaasoo ay ku jiraan 291 caalami ah iyo 53 gudaha ah.

Turkish national carrier to change name to 'Türkiye' airlines | News | Al  Jazeera

Hadalsame Media