Arsenal oo lugaha ”dhiiqo” loo geliyey (Farriin ay soo dhigtay oo ay misna tirtay)

0

(Hadalsame) 30 Maajo 2023 – Kooxda kubadda cagta Ingiriiska ee Arsenal ayaa ka noqotay hambalyo dhalasho farxad leh oo ay u dirtay ciyaaryahankeedii hore ee Andrey Arshavin, kaasoo u dhashay Ruushka.

Farriintii asalka ahayd ayaa waxay si deg deg ah u soo jiidatay isticmaaleyaasha Twitter-ka ee taageera ama ah reer Ukraine.

Qoraal ay kooxdu soo dhigtay barteeda Twitter-ka Isniintii shalay ayaa lagu soo bandhigay muuqaal laga soo duubay xiddigga reer Russia xilligii uu ku sugnaa ama uu waayihiisa ciyaareed ku qaadanayey kooxda Arsenal waxana uu u qornaa: “Waxaan kuu rajaynaynaa maalin wayn, Andrey”.

Ciyaaryahankii hore ee garabka ka ciyaari jirey, oo haatan 42 jir ah, ayaa u ciyaaray kooxda Gunners intii u dhaxaysey 2009 ilaa 201-kii, isagoo u saftay 144 kulan islamarkaana dhaliyey goolal xusuus leh.

Si kastaba ha ahaatee, isticmaalayaasha taageersan Ukraine ayaa si xun u weeraray Arsenal, iyagoo ku adkaystay inaysan haboonayn in loo hambalyeeyo ciyaaryahankan. Waxay tilmaameen in Arshavin uu sida joogto ah uga soo muuqdo TV-ga Dowladda Ruushka.

Mid ka mid ah isticmaalayaasha ayaa faallo ka bixiyay in sannadkii hore, uu ciyaaryahankani sheegay inuu ka mid noqon doono Ciidamada Ruushka ee ka dagaallamaya Ukraine “haddii la askareeyo.”

Intaa kaddib kooxda Arsenal ayaa tirtay farriintii hambalyada ahayd, taasoo ay dhinacyo kale ku dhaliileen.

Hadalsame Media