Juventus oo qoor dhiibatey & Go’aan cusub oo laga soo saaray (Guddoonkii hore oo weli dacwo qaba)

0

(Roma) 30 Maajo 2023 – Xiriirka Talyaaniga ee FIGC ayaa waxay aqbaleen qoor-dhiibasho ay samaysay Juventus taasoo Dacwad Oogaha Giuseppe Chiné kula heshiisey in Bianconeri aan dhibco cusub laga jari doonin, in kasta oo Madaxwaynihii hore ee Andrea Agnelli uu diidey heshiiska oo uu maxkamad mari doono. Sidoo kale kuwii horay looga jaray waa sidoodii.

Maxkamaddayn labaad oo uu FIGC ku waday habab is dhaafsan mushaharka Juventus, iyo xiriirka wakiillada iyo kooxdan ayaa ka dhacay Roma subaxnimadii Talaadadan.

Maxkamadduse waxay aqbashay heshiiska Bianconeri iyo Dacwad Oogaha Xiriirka FIGC ee Chiné, taasoo la micno ah in kooxdu ay wajihi doonto ganaax dhan €700,000 oo Yuuro balse aan dhibco kale laga jari doonin.

Heshiiskan u dhexeeya Juve iyo Chiné ayaa la micno ah in kooxdu ay si dhab ah u qiratay khaladka ay sameeyeen agaasimayaashoodii hore oo ay ka tanaasulaan inay racfaan qaataan iyagoo ku bedelanaya in xukunka laga khafiifiyo saddex meelood oo meel.

Maxkamadeynta ayaa lagu wadey inay dhacdo 15-ka Juun, balse waxaa loosoo hormariyey subaxnimadii Talaadadan maanta kaddib heshiiskii labada dhinac ay gaareen habeenkii Isniintii xalay.

Yeelkeede, dacwaddu weli way dhici doonta 15-ka Juun maadaama Madaxwaynihii hore ee Andrea Agnelli uu diidey heshiiska ay Juve la gashay Chiné wuxuuna go’aansaday inuu maxkamadda soo itaago isla maalintaas.

Si kastaba, maadaama ay Juve dembigeeda qiratay iyada waxaa u jiraya go’aankan, balse waxay weli sugaysaa go’aanka UEFA.

Hadalsame Media