Sidee ayay Somalia ku gaari kartaa doorasho QOF & COD ah (Lix qodob oo loo baahan yahay)

0

(Hadalsame) 30 Maajo 2023 – SIDEE AYUU DALKU KU GAARI KARAA DOORASHO QOF IYO COD AH?

1. MIDNIMO IYO HESHIIS SIYAASADEED LOO DHANYAHAY: marka ugu horeyso darafyada siyaasadeed ee dalka kajira waa inay jiraan jawi is fahan kudheehan taasoo isu soo dhaweynaysa aaraahda ashqaasta iyo deegaanada ay colaaduhu saameeyeen ee 33 sano jirsaday, iyadoo dhinacyada kala duwan ee bulshadu ay isu fidiyaan Cafis buuxa iyo uursami min Waqooyi ilaa Koonfur.

2. AMNIGA DALKA: Xoreynta Deegaanada iyo Badqabka shacabka waa tiirka gundhigga u ah in dalka uu u xuubsiibto Doorasho 1Q1C, midaas oo katarjumeysa ama xaqiijinaysa siyaasadda amni ee suurtagalin karta in dalka uu gaaro nidaamka dimuqaadiyadeed, kaasoo doorasho xur iyo xalaal ah misne loo wada simanyahay uu dalka gaaro. Kadhabeynta amniga dalka qaasatan xarumaha diiwaanka doorasho ama axsaab siyaasadeedka xarumo unoqonaya waa in loo yagleelaa jawi degan oo bilaa cabsi ah si ay bulshadu uga qeybqaataan Doorasho kudhan ah(Wadar Codeyn).

3. DHISMAHA GUDDI DOORASHO QARAN: Ahdaafta guddigan ayaa ah in lahelo nidaamka geedi-u-socodka gaarsiinta bulshada sisteem; kaasoo qeexaya xaqna usiinaya Bulshada inay Codeeyaan loona Codeynkaro hadba ashqaasta loo garto hiigsiga kala doorashada; Haa midkan, Maya Midkaasi. Oo kamacno tahay nidaamka kala doorashada midka ay afkaar ahaan bulshada u aragto inuu miisaan ahaan ula muuqdo in bulshada uu wax kusoo kordhinkaro/wax kusoo kordhinkarto.

4. DASTUUR DHAMEYSTIRAN: kadhabeynta in ladhameystiro dastuur dhameystiran oo micno sida, wuxuu ubaahanyahay in laga qeybgaliyo dhammaan qeybaha bulsho ay ka koobanyihiin ee Dalka sida: 5-ta beel ee soomaaliyeed iyo 7-da maamul goboleed laguna gaaro afti dadweyne oo loo dhanyahay, leh micno buuxa, go’aan hididiileed iyo faham bulsho. Kaasoo ugu dambeyntii lagu dabaqi-doonno in lagaarsiiyo fahamka bulsho ilaa heer tuulo(Dastuur Bulsho ay leedahay).

5. TIRO KOOB DADWAYNE: si loo helo is-waafajin waa in guddiga Qaran oo isku dhaf ah oo ay qeybqaadanayaan Wasaaraddaha qaasatan;.Wasaaradda Arrimaha gudaha ee dawladda iyo W. Qorsheynta iyo Maalgashiga, Maaliyadda iwm. Iyagoo lakaashanaya dawladaha daneeya Soomaaliya dib usoo kabashadeeda ee gaarsiinta nidaamka doorasho ee nuucan ah iyo deeqbixiyeyaasha calaamiga ah, Si loo tiro koobo Dadka (Population Sampling), sidoo kale lagu sameeyo dalka daraseyn sax ah, iyadoo kularan usameynta National ID~kaarka Qaran kaasoo ku asteysan axwaasha iyo aqoonsiga guud ee Shaqsiga muwaadhinka ah Codeeyaha ama loo codeeyaha intaba.

6. MAXKAMAD DASTUURI AH: Sida waafaqsan dastuurka qodobadiisa qeybo kamid ah, dalka waxaa go’aan kama dambeys ah oo natiijada khilaafyada kadhalankarta Doorashadu qeexaysaa, goorta lagaaro hal qof iyo hal cod in maxkamada sarre ee Dastuuriga ah ay goaanka ugu dambeeyo natiijada doorashada ay ansax kadhigeyso iyadoo xaqiijinaysa darafyada tartamiyaasha axsaab ee dalka uu yeelandoonno haduu Eebe nagu simo.

Waxaa Qoray: Ibraahim Xasan Xaaji, xubin Guddiggii hore Doorashada 2021 ilaa 2022-kii.

Hadalsame Media