SAWIRRO: Itoobiya oo weerar YAAB leh wadda & Muslimiinta oo ka dhiidhiyey (Dhimasho dhacday & Tirada masaajid la dumiyey)

0

(Addis Ababa) 30 Maajo 2023 – Waxa ay maalmahaan Muslimiinta caalamku si aad ah uga hadlayaan burburinta lagu hayo masaajidada Muslimiinta Ethiopia, kuwaasoo la sheegay in loo bedelayo Kaniisado iyo falalka muslim neceybka ah ee dabayaaqadii 7-aadkii hore ka bilowday dalkaasi.

Tilaabadaan ayaa la sheegay iney dabada ka riixayso Dowladda Federaalka Ethopia, waxaana ilaa iyo hada la xaqiijiyey in la burburiyay 26 Masjid oo ay intooda badan ku yaaleen deegaano hoos taga dhulka Oramiya iyo magaalada Adisababa.

Waxay sidoo kale magaalooyinka qaar, sida wararku sheegayaan, laga mamnuucay in gabdhaha muslimaadka ah ay goobaha waxbarashada ee dowladda iyo kuwa gaarka ah la yimaadaan xijaabka.

Caro wayn oo ka dhalatay falalkaan guracan ayaa sababtay in maalintii Jimcaha salaadda kaddib ay magaalada Adis Ababa ka dhacaan banaanbaxyo waawayn oo ay Muslimiintu kaga soo horjeedaan falalka Islaam naceybka ah ee ka curtay Ethiopia.

Hase yeeshee, askarta dowladda ayay wararku sheegeen inay u adeegsadeen dibadbaxayaasha rasaas sababtay dhimashada ilaa 4 ruux iyo dhaawaca dhowr iyo 40 ruux oo kale, waxaana nasiibdaro ah in maalintii Axadda ay Ciidamada Dowladdu dumiyeen dhowr masjid oo ku hareeraysnaa Masjidka wayn ee Anwar Al-Nuur ee ku yaalla xaafadda suuqa wayn ee Merkaato ee Adis Ababa, oo uu banaanbuxu ka bilowday maalintii Jimcaha ahayd.

Golaha Muslimiinta Ethopia ayaa falalkan si adag u cambaareeyay waxayna ka soo saareen ilaa 11 qodob ka dhegeyso muuqaalka hoose qaar ka mid ah qodobada:-

Allah SWTC ha u gargaaro dhamaan Muslimiinta meel walba oo ay joogaan, hana ka qabto cadowga ka burburinaya goobaha cibaadada Alle Aamiin.

Ethiopia: government increasingly intolerant of Islam risks radicalizing muslims – By Alemayehu Fentaw | African Arguments

News Analysis: Muslim Clerics demand accountability after security crackdown on participants of planned 'Grand Iftar'; Deputy Mayor apologizes - Addis Standard

News: Two killed, dozens injured in police crackdown against protest by Muslims in Addis Abeba; more than 100 people detained - Addis Standard

Muslims protests in Ethiopia – DW – 08/09/2013

W;D: Cabdulqaadir Dulyar

Hadalsame Media