Libya oo mar qura toogasho ku xukuntay 23 qofood & Dembiga loo haysto

0

(Hadalsame) 30 Maajo 2023 – Maxkamad ku taalla dalka Liibiya ayaa 23 qof ku xukuntay dil, 14 kalena xabsi daa’in, kaddib markii lagu helay dembi ah inay ka qaybqaateen olole ay ku dhinteen dad badan oo ay ku jireen inay qoorta ka gooyeen koox Masiixiyiin Masaari ah iyo inay iyaga oo Daacish ka tirsan qabsadeen magaalada Sirta sannadkii 2015-kii.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa bayaan uu soo saaray Isniintii ku sheegay in hal qof oo kale lagu xukumay 12 sano oo xarig ah lix kalena lagu xukumay min 10 sano; Mid ka mid ah ayaa lagu xukumay shan sano, lix kalena waxaa lagu xukumay MIN saddex sano. Shan ka mid ah waa la sii daayey, saddex kalena waa ay dhinteen kahor inta aan kiiskooda maxkamadda la hor keenin, sida lagu sheegay bayaanka.

Liibiya ayaa la sheegay inay ka mid tahay meelaha ay ISIL ku xooggan tahay ee ka baxsan Ciraaq iyo Suuriya, waxayna kooxdu ka faa’iidaysatey fowdada iyo dagaalka ka socda waddankan dhaca Woqooyiga Afrika kaasoo daba socdey kacdoonkii ay NATO taageertay ee 2011-kii.

Sannadkii 2015-kii, kooxda hubaysan ayaa weerar ku qaaday hoteelka raaxada ee lagu magacaabo Corinthia Hotel ee magaalada Tripoli, halkaas oo ay ku dileen sagaal qof kahor inta aysan  afduubin oo madaxana ka jarin daraasiin Masiixiyiin ah oo Masaari ahaa, kuwaas oo dilkooda lagu soo bandhigay filimaan borobogaando ah.

Kaddib markii ay qabsadeen magaalooyinka Benghazi, Derna iyo Ajdabiya ee bariga Liibiya, kooxdu waxay qabsatay magaalo xeebeedka dhexe ee Sirte, iyaga oo haystey ilaa dabayaaqadii 2016-kii iyada oo dhaqan gelisay nidaam adag oo ay ku sheegeen anshaxinta bulshada ah oo ay ku xoojinayeen ciqaabo naxariis darro ah.

Maxkamaddu waxay ku xukuntay saddex carruur ah midkiiba 10 sano oo xarig ah, ayuu yiri qarreen Lotfi Mohaychem.

Hadalsame Media