Laacib ay wada raadinayaan kooxaha Yurub oo la arkay isaga oo taageere dharbaaxaya (Daawo)

0

(Hadalsame) 29 Maajo 2023 – Ciyaaryahanka kooxda Ajax ee Steven Berghuis ayaa u muuqda inuu feeray nin la sheegay inuu yahay taageere ka titsan kooxda FC Twente.

Berghuis, ayaa markii uu raacayay baska kooxda, waxa uu u muuqdaa mid ka carooday hadalka xubin ka mid ah dadkii ka daawanayey xayndaabyada la dhigay hareeraha meeshii uu baska ka fuulayey.

Waxa la arkayey ciyaaryahanka oo dhangalaaso ku dhuftay taageerayaasha xilli ay taageerayaashii kale eegayeen iyagoo naxsan, kahor intaan ilaalo aysan dib u jiidin ciyaaryahanka khadka dhexe.

Ugu dambayntii waxa uu fuulay baska kaddib markii xubin kale oo ka mid ah shaqaaluhu uu goobta yimid.

Ma cadda sababta Berghuis uu ugu caroodey taageeraha iyo waxa falcelinta noocan ah ee aan qiilka lahayn ka keeni kara. Xiddiggan ayay raadinayaan kooxo badan oo reer Yurub ah.

Hadalsame Media